Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu marar badan dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu Alle garanayo, waxaa hadana ugu muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan:
1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una baahnaa dhaqaale badan iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan yahay ciidan gaaraya 2,000, oo maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya 20 geel ah.
2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu intuu doono uu noqon karo, ilaalana waa la yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo direy arrin, oo aan ahayn dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan qaaday.
3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya diinta Alle, waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo adeegsanaya habkii wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo diinta Alle, waxa ay raggii ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo hoojiya cadawga Alle.
DUULLAANKII BANII MUSDHALIQ
Waxa uu dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii 6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer banuu Musdhaliq oo la oran jirey Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa. Wuxuu Rasuulku SCW si uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb Al-aslami. Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u ahaa, ka dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu arrintii xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari ama Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.
Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u ahaa reer banii Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war uga keeno ciidanka muslimiinta hase yeeshee ciidankii muslimiinta ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo baxeeen, ninkoodii wardoonka ahaana la diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen meeshii. Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo qafaasheen dumarkoodii, caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii la soo qafaashay u qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la oran jirey Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays, markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday. Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii ay qayb ahaanta u heleen oo dheheen “waa xididkii Rasuulka SCW”.
Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay waxaa dhacay laba arrimood oo ay sameeyeen nimankii munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal iyo tashwiish, dacaayado been ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo isagu xiqdi iyo xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar ahaan cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay sidii aan usoo sheegnayba isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey dadkiisi islaamka qaateen, madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna bilaabay xiqdi iyo xumaan, laga soo bilaabo markii Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina yimaadeen. Waxaana dhacday in Rasuulku SCW markii uu Madiina yimid oo uu muddo yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu soo booqdo Sacad binu Cubaada oo jirran, markaas ayuu isaga oo dameer saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur’aan ku dul akhriyey, dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri “ha na booraynin, gurigaagana joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan”.
Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii ku jiraan waxay islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu Badar ku guuleysteen hase yeeshee xumaatadoodii iyo cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale dagaalki Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay. Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan jireen wanaag iyo kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo. Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu dadka u muujin jirey marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi jirey “kani waa Rasuulkii Alle idinku karaameeyey idinkuna ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca” hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo sidii la ogaa uu sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii dharkii ka jiideen oo dheheen “nafa fariiso cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane) wixii aad samaysay baad samaysaye”, markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta ka mid ah wuxuuna ku yir “war hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu dembi dhaaf weydiiyee”, markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi dhaaf weydiiyo”.
Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer banuu Nadiir ay ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW go’aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani hoos kala xiriiray oo ku yiri “ha bixina”. Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo dacaayado. Sidoo kale gaaladi qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri jireen.
Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey islaam, hoostana uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii muslimiinta ahaa sida dacaayaddii ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna uu Rasuulku SCW guursaday ayna dheheen “Maxammed wuxuu guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa” arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale sidaa darteed islaamku caadadaas xun wuu baabi’iyey sidii uu caadooyinkii xumaa oo kaleba u baabi’iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay Rasuulka SCW laftiisa, wuxuuna Alle yiri:
((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD U NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU GUURINAY SI AYSAN MU’MINIINTU DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY MID LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab 37).
Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee Rasuulku SCW markaas ayey dheheen “qur’aanku afar haween ah ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta 5aad”. Haddaba nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo mu’miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka war haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:
((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO DEGTO SUURAD KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE, AAYAADKIISA IYO RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah 64-66).
Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu’miniinta xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo jeediyeen in la laayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar “ma waxaad dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” maxaa yeelay dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin.
Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay sameeyeen munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq waxa ay ahaayeen:
1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga oo aan u siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku sheegay aayaaddan:
((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN SIYAADIN MA HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA) KUWA MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah 47).
Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas ayaa meel biyo laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri “yaa Ansaar ahey”, Jahjaahna yiri “yaa Muhaajiriin aheey”. Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri “ma sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?. Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan ku dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri oo ahayd “naaxi eygaaga ha ku cunee”. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi (isagaa iska wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan dulliga ah (oo uu ula jeedo Rasuulka SCW)”, markaas ayuu lahadlay kuwii la fadhiyey oo ku yiri “tani waa wixii aad naftiinna ku samayseen, magaaladiinnii baad u oggolaateen, maalkiinniina waad la qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin dhaafi lahaayeen”.
Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay, adeerkiisna wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa markaas yiri “Rasuulkii Allow amar Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Cumar ma waxa aad doonaysaa in uu dadku ku sheekeysto Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” (maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la guuro waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri “Rasuulkii Allow waxaad guurtay waqti xun”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “miyeysan ku soo gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?”, Useyd wuxuu yiri “muxuu yiri?”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “wuxuu sheegtay in haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah”, markaas ayuu Useyd yiri “Rasuulkii Allow adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad tahay”, ka dib wuxuu yiri Useyd “Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u arkaa in aad boqortooyadiisii kala wareegtay”. Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku jirey ilaa laga gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen, Rasuulkuna SCW wuxuu arrinkaan u sameeyey si aan warka munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana aysan fitno ugu noqon.
Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka baxday ayuu inkiray hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh “Ilaah baan ku dhaartaye ma dhihin”, markaas ayaa asxaabtii qaar ka mid ahi Rasuulka SCW ku dheheen “Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in wiilka yari is moodsiiyey oo uusan weelayn oraahdii ninka” hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta la socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:
((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW LA JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA IYO MU’MINIITA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin 7-8).
Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo dagtay uu Rasuulku SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun, kuna yiri “Alle wuu kuu rumeeyey (hadalkaagii) Seydow.
Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la oran jirey Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa markii Madiina la soo gelayey Cabdullaahi seeftiisii galka kala baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye in aadan meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo, isaga ayaana casiis ah adiguna dulli baad tahay”. Rasuulku SCW markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka dib Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri “Rasuulkii Allow waxa aan maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay. Ilaah baan ku dhaartaye reerkayagu waa og yihiin in nin aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa laga yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in aad disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa ayaan kuu keenayaa”.
SHEEKADII BEEN ABUURASHADA
Qisadan waxa ay sababteedu ahayd: Rasuulku SCW markii uu duullaan ama meel kaleba aadayo wuxuu kaxeysan jirey xaasaskiisa mid ka mid ah, wuuna u qori tuuri jirey. Sidaa darteed markii uu aadayey duullaankii Banii Musdhaliq ayaa waxaa qori tuurkii ku soo baxay Caa’isha oo raacday.
Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa meel la degay, markaas ayey Caa’isha goor habeen bar ah aaddey bannaanka si ay xaajadeeda u soo gudato, caadana waxaa u ahaan jirtey dumarkii waqtigaa, weliba kuwii mu’minaatka ahaa ee aadka u xishoodka badnaa in haddii ay bannaanka aadayaan ay fogaadaan oo sharqarta ka dhex baxaan, ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku dambeeyo waa laga helayaa.
Markii ay Caa’isha soo laabatay ayaa waxaa ka lumay kuul ay wadatay oo ay gabar ka soo caariyeysatay, markaas ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada oo baadi goobeysa hase yeeshee waa meel Ilaahay arrin ka watee intii ay Caa’isha maqnayd ayaa Rasuulkii SCW amray in la guuro, lagamana war hayn in ay Caa’isha maqan tahay maxaa yeelay marka la guurayo waxay dhex geli jirtey bahal la yiraahdo Hawdaj oo loogu talo galay. Hawdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha qaban jirtey oo ratiga saari jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka qaadayey waxay u maleeyeen in Caa’isha ku dhex jirto mana aysan dareemin fudeydkiisa maxaa yeelay Caa’isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale guuritaanka ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen rag ciidan ah oo aan alaab badan wadan oo nin walba hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu soo qabsanayey.
Caa’isha markii ay soo laabatay iyada oo kuushii soo heshay ayaa waxa ay timid goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii sharqamayana usan jirin, markaas ayey meesheedii iska fariisatay iyada oo is leh “haddii lagu tebo waa lagu soo raadinayaa” hase yeeshee sidii ay u fadhiday ayey indheheedii ka qaalib noqdeen oo ay gama’day. Waagii markii uu baryey ayaa waxaa arkay qofka meesha jiifa saxaabi la oran jirey Safwaan binu Mucdhil oo ahaa nin hurdo weyn, marar badanna ciidanka ka dib dhici jirey. Safwaan markii uu meesha yimid ayuu Caa’isha gartay maxaa yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka hor ayuu yiqiinney, markaas ayuu yiri “Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa xaaskii Rasuulkii Alle”. Caa’isha ayaa markaas hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa u arumiyey (fariisiyey) ayuu ka durkay, markii ay fuusheyna wuu ku waday. Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey.
Munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay markii Madiina la tegey ayuu wuxuu sameeyey been abuurasho uu ku been abuuranayo Caa’isha iyo Safwaan, dacayad ayuuna suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex dabbaasheen dacaayaddaas isaga iyo munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku simbiriraxday dad wanaagsanaa oo asxaabta ka mid ahaa sida Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.
Caa’isha markii ay Madiina ku soo laabatay ayey xanuunsatay, mana aysan maqal dacaayaddan been abuuradka ah ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax hooyadiis. Goor ay meel dhexe marayaan ayey turaanturrootay duqdii, markaas ayey tiri “Misdhaxow hoog”. Caa’isha ayaa markaas ka celisay oo tiri “ma nin Badar ka qayb galay ayaad sidaas leedahay?”, markaas ayey duqdii tiri “miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka geliyey?”, Caa’isha waxa ay ku jawaabtay “maya”. Duqdii ayaa markaas u sheegtay qisadii suuqa ku jirtey ee lagu been abuurtay. Caa’isha oo ahayd gabar cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna beri ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa galay ayaa xunuunkii hayey xanuun kale ugu darsamay, waxayna gashay oohin is daba joog ah. Waxaa kale oo Caa’isha intaas uga sii darnayd in ay aragtay Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay xanuunsato, markii uu guriga soo galana wuxu ku gaabsanayey “sidee tahay?”. Caa’isha waxa ay markaas uga idan qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo guriga waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay.
Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo laabtay wax qur’aan ama waxyi ah oo arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin, wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn maxaa yeelay Rasuulku SCW qeybka (waxa maqan) kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo maahane. Rasuulku SCW wuxuu markaa arrintii kala tashaday Cali Abii-dhaalib iyo Usaama binu Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku yiri “dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase yeeshee Usaama wuxuu yiri “Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso”. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW arrinka Caa’isha ka wareystay gabar jaariyad guriga ka ahayd, waxayna gabadhaasi tiri “wax xumaan ah ama ceeb ah kuma ogi in ay tahay gabar yar oo cajiinka ka seexata maahane”. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu arrintaa wax ka weydiiyey xaaskiisii Seynaba bintu Juxshi oo walaasheed dacaayadda wax ka wadday, waxay Seynaba tiri “wax aan wanaag ahayn kuma ogi Caa’isha”.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa’isha ugu tegey gurigoodii iyada oo ay la joogaan aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu ku yiri “Caa’isha arrintaas ayaa iga kaa soo gaartay, haddii aad beri ka tahay Alle waa ku bari yeeli doonaa, haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dembi dhaaf ka dalab oo u toobad keen maxaa yeelay addoonku haddii uu dembigiisa qirto Allena u toobad keeno Alle waa ka toobad aqbalaa. Caa’isha waalidkeed ayey marba mid la hadashay iyada oo ku leh “u jawaab Rasuulka” hase ahaatee mid walba wuxuu yiri “maxaan Rasuulka SCW ugu jawaabaa?”. Waxay markaas Caa’isha tiri “Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay in aad sheekada maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen. Hadii aan marka idin dhaho beri baan ka ahay iima rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo wax kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane”, waxayna akhriday aayadda micnaheedu yahay:
((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA KAALMAYSTAY WAXAAD SIFAYNEYSAAN)), (Suuratu-Yuusuf 18).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay memberkii masaajidka isaga oo ka dacwoonaya Cabdullaahi binu Ubay, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr, oo odeygii reer Aws ahaa, yiri “Rasuulkii Allow haddii uu annaga yahay waan kaa kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu walaalahayo Khasraj yahayna amar ha dilaane”, markaas ayaa Sacad binu Cubaada oo odeygii reer Khasraj ahaa xoogaa xammiya ihi qaadday oo yiri “waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj) yahay”, Rasuulka SCW ayaa markaa kala dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii reer Abuubakar, waxaa markaas ku soo degey waxyi isaga oo la fadhiya, markaas ayuu yiri “Caa’isha Ilaah waa ku beri yeelay”, markaas ayaa Caa’isha hooyadeed ku tiri Caa’isha “u istaag Rasuulka” hase yeeshee Caa’isha way diiddey oo waxay tiri “Ilaah baan ku dhaartaye u istaagi maayo, mana mahadinayo cid aan Alle ahayn?”.
Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa’isha oo uu sababteeda ku soo dejiyey toban aayadood oo Suuratu-nuur ku jira oo uu uga hadlayo been abuurashadan iyo cidda bilowday, waxaana lagama maarmaan ah in aan soo qaadanno oo macneyno aayaddahan maxa yeelay arrimahan oo kale maanta aad ayey ugu badan yihiin dadka muslimiinta ah, in badanna waxaa la arkayaa in dadka munaafiqiinta ah, ee Cabdullaahi binu Ubay oo kale ah, oo maan jooga oo aan akhlaaqda lahayn ay gabdhaha asturan oo dhawrsan xuman iyo sino ku ganaan, Allaahna dadka noocaas ah wuxuu ku ridey nacalad iyo in naxariista Alle laga fogeeyo oo ay cadaab daran leeyihiin, adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin, siddeetan jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin faasiqiin daacadda Alle ka baxay. Wuxuu Allaah aayadahaas ku yiri:
((KUWA LA YIMID BEEN ABUURASHADA (CAA’ISHA) WAA KOOX IDINKA MID AH, HANA UMALAYNINA IN AY SHAR IDIIN TAHAY EE WAXAY IDIIN TAHAY KHAYR, QOF WALBA OO IYAGA KAMID AHNA WAXA UU LEEYAHAY WUXUU KASBADAY OO DAMBI AH, KAN ARRINTA WEYNANKEEDA TAWALIYEY (IBNU UBEY) OO IYAGA KA MID AHNA WAXA UU LEEYAHAY CADAAB WAYN, MAXAAD MARKAAD MAQASHEEN MU’MINIINTA IYO MU’MINAATKU UGU MALAYN WAAYEEN NAFTOODA KHAYR OO AYSAN U DHIHIN KAASI WAA BEEN ABUURASHO CAD, MAXAYSE ULA IMAAN WAAYEEN (MUNAAFAQIINTU) AFAR MARKHAATI AH, HADDAYSAN LA IMAAN MARKHAATI KUWAASI ILAAHAY AGTIISA IYAGAA BEENAALAYAAL AH, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN TAABAN LAHAA WIXII AAD DHEX DABAALATEEN SABABTIIS CADAAB WAYN, MARKAAD CARRABKIINA KULA KULMAYSEEN (KU KALA QAADAYSEEN) OO AAD AFKIINA KU LAHAYDEEN WAX AYDAN OGAYN, UNA MALAYNAYSEEN WAX FUDUD ISAGOO ALLE AKTIISA KU WAYN, MARKAAD MAQASHEEN MAAD DHAHDAAN NOOMA HABOONA IN AAN KU HADALNO WAXAAN, ALLAA XUMAAN KA NASAHANE WAXAANI (QADAFKU) WAA BEEN ABUURASHO WAYN, ALLE WAXA UU IDIN KA WAANINAYAA INAAD U NOQOTAAN ISAGOO KALE WALIGEED HADDII AAD MU’MINIIN TIHIIN, ALLENA WAA IDIIN CADDEEYEY AAYADKII, ALLENA WAA (ALLE WAX WALBA) OG OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN), KUWA JECEL INAY KU FAAFTO XUMAANTA MU’MINIINTA DHEXDOODA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB DARAN ADDUUN IYO AAKHIRO, ALLENA WAA OG YAHAY IDINKUSE MA OGIDIN, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN GALAY IYO NAXARIISTIISA IYO IN ALLE YAHAY TURID BADANE NAXARIISTA (WUU IDIN KA ABAAL MARIN LAHAA INTIINII KA WAY QAADATAY FALKAA XUN)). (Suuratu-Nuur 11-20).
Ka dib waxaa xadkii qadafka laga oofiyey oo 80 jeedal lagu dhuftay saddex qof oo asxaabtii ka mid ahaa oo dacaayaddaas dhex dabbaashay, waxa ayna kala ahaayeen: Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.
Ninkii munaafaqa ahaa ee arrinta oo dhan been abuuratay lama jeedalin, sababtana waxa ay culimadu dhaheen: Xadka laga oofiyo qofka dembiga ayuu ka fududeeyaa, isagana (Cabdullaahi binu Ubay) Alle ayaa isaga oo adduunka jooga u yaboohay cadaab, iska deyntiisana xikmado badan oo Alle iyo Rasuulkiisu garanayaan ayaa ku yirey.
DIRITAANKII CIIDAMEED EE KU XIGEY BANII MUSDHALIQ
1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Shacbaan, sannadkii 6aad ee hijriga ciidan uu hoggaaminayey Cabdiraxman binu Cawf, wuxuuna u direy qabiilka la yiraahdo banii Kilaab, wuxuu Rasuulku SCW u dardaarmay Cabdiraxman arrimo ku saabsan dagaalka, wuxuuna ku yiri “haddii ay ku adeecaan (islaamaan) guurso gabadha uu dhalay ninkooda madaxda ah”. Cabdiraxman iyo ciidankiisii waxay ka ambabaxeen Madiina, markii ay gaareen meeshiii ay qabiilkaasi degganaayeen way degeen, waxayna islaamka ugu yeerayeen saddex maalmood, markaas ayey islaameen. Ka dib Cabdiraxman wuxuu guursaday gabadh uu dhalay ninkii odeyga u ahaa oo la oran jirey Tamaadar bintu Asfaq.
2. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy isla bishii Shacbaan ee sannadkii 6aad ee hijriga ciidan uu hoggooaaminayo Cali binu Abii-dhaalib, wuxuuna u direy qabiilkii la oran jirey banii Sacad banii Bakar oo ciidammo ururinayey yahuuddii Khaybar degganayd. Wuxuuna dhammaa ciddankaas 200 oo nin, waxayna socon jireen habeenkii maalinkiina way degi jireen. Markii ay dhex marayaan ayey qabteen nin qabiilku ay Khaybar iyo yahuud u dirsadeen, markii ninkii la wareystayna wuxuu u sheegay in Khaybar loo diray si uu yahuudda Khaybar ugu bandhigo in ciidan loo soo diro iyaguna ay timirta Khaybar wax ka bixiyaan. Ninkii ayey markaas kaxeysteen si uu u tusiyo meesha ay cadowgu ku shirayeen. Qabiilkii reer banii Sacad markii ay ciidankii muslimiinta maqleen way kala yaaceen. Ciidankii muslimiintu waxa ay meeshii ka soo kaxeysteen 500 oo geel ah iyo 2,000 oo ari ah, dabadeedna waxa ay ku soo laabteen Madiina.
Dostları ilə paylaş: |