6. Umu-Salama bintu Abii-Umaya oo magaceeda la oran jiray hinda wuxuu Rasuulku SCW guursaday isla sanadkii 4aad ee hijriga waxaana u guuriyey wiilkeedii Salama ibnu Abii-Salama waxaana Rasuulka hortii kadhintay Abii-Salama binu Cabdi Asad oo magaciisa la oran jiray Cabdullaahi una dhintay dhaawac ku soo gaaray dagaalkii Uxud, waxayna usoo dhashay Abii-Salama Afar caruur ah oo kala ahaa: Salama, Cumar, Saynab, iyo Ruqiya.
7. Saynaba bintu Jaxshin binu Ri’aab wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 5aad ee hijriga, waxa ayna ahayd Rasuulka SCW ina eedadiis waxaana hortiis soo guursaday Sayd binu Xaarith, Alle ayaana u guuriyey sababteedana waanu soo marnay.
8. Juwayriya bintu Xaarith waxa uu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 6aad ee hijriga waxayna kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii banii musdhaliq waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays markaasuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW ayey u timid si uu uga gudo markaasuu Rasuulku SCW ku yiri “makuu sameeyaa wax taas kaaga khayr badan?” waxay tiri “waa maxay”, wuxuu yiri “waan kaa gudayaa waana ku guursanayaa”, waxay tiri “waayahay”. Markaasuu ka guday ka dibna guursaday.
9. Umu-Xabiiba bintu Abii-Sufyaan oo magaceeda la oran jirey Ramal wuxuu Rasuulku SCW guursaday Sanadkii 7aad ee hijriga waxaana hortii soo guursaday Cubaydilaah binu Jaxshin oo ay u wada hijroodeen Xabashida markaasuu ka ridoobay islaamkii dabadeedna ku dhintay halkaas, hase yeeshee Umu-Xabiiba islaamkeedii ayey ku sugnaatay sidaa darteed markii Rasuulku SCW uu Najaashe Asxam warqada udirayey sanadkii 7aad ayuu ku codsaday in uu kusoo meheriyo oo usoo diro Najaashana sidii ayuu yeelay, wuxuuna kusoo daray Shuraxbiiil ibnu Xasna.
10. Safiya bintu Xuyey wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga waxayna ahayd reer banii Israa’iil oo waxay kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii Khaybar markaasuu iyada ka doortay oo xoreeyey ka dibna guursaday, waxaana isaga hortii guursaday kinaana binu Rabbiic ibnu Abil-Xaqiiq.
11. Maymuuna bintu Xaarith wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga markuu Cumratul-Qadaa gutay, waxaana u guuriyey adeerkiis Cabaas binu Cabdi-Mudhalib oo ay gurigiisa joogtay walaasheed Umu Fadlina qabay, Rasuulka SCW hortiisna waxaa soo guursaday Abii Ruhmi binu Cabdi Cusaa.
Kow iyo Tobankaas ayey ahaayeen xaasaskii Rasuulka SCW marka laga reebo labadii adoomada ahaa oo kala ahaa: Maariyatu Qibdhiya oo boqorkii Isandariya xukumayey usoo hadiyeeyey sanadkii 7aad ee hijriga waana gabadha u dhashay wiilkiisii Ibraahim, iyo tan kale oo ahayd Rayxaana bintu Sayd oo kamid ahayd dadkii lagu qabsaday duulaankii banii Qurayda oo uu markaa naftiisa u doortay. Labada uusan laguri galin sidaan soo sheegnayba waa Asma bintu Nucmaan iyo Camrata binu Yasiid, lagumana tiriyo Labadaan Umuhaatul-Muminaatka, maxaa yeelay kama aysan mid ahayn xaasaskii Rasuulka SCW.
Waxaa intaa noogu dhamaaday waxyaabihii aan ka ishaarnay guurkii Rasuulka SCW, waxa ay arrintaanina ka mid tahay meelaha ay cadawga islaamku wax ka xoq xoqdaan markii ay waayeen meel ay Rasuulka SCW ceeb uga raadiyaan, iyaga oo aad isugu taxalujiya in ay ceeb u helaan shakhsiyadda nadiifka ah ee Rasuulka SCW, taas oo Alle nusqaan ka dahiray.
Haddaba haddii aan wax ka tilmaanno guurkii Rasuuulka SCW waxaa ku jiray xikmooyin badan oo Alle SW uu garanayo, waxaana xikmooyinkaas ka mid ahaa kuwakan:
1. Waxaa jiray arrimo badan oo daruuri ahaa oo ay dadka muslimiinta ahi u baahnaayeem, aysanna ogaan karin cid aan haweenkiisa ahayn sida; jiifkiisii, qubayskiisii, soo toosiddiisii, salaatu-laylkiisii, janaabadiisii, mucaamaladiisii haweenka iyo hawlihiisii khaaska ahaa oo dhan. Waxaan in badan arkaynaa in ay haweenkiisu ka wariyeen axaadiis aad u tiro badan, siiba kuwa ku saabsan arrimaha aan soo tilmaanay.
2. Guurku waxa uu ahaa sunnadii anbiyadii Ilaahay, qaarkoodna wayba ka haween badnaayeen Rasuulka SCW sida; Nabi Sulaymaan iyo Aabihii Nabi Daa’uud, sidaa darteed Rasuulku SCW waa uu guursaday, dadka muslimiinta ahna waa uu ku booriyey, waxaana dhici kari lahayd haddii uusan Rasuulku SCW guursan lahayn in dad badan oo muslimiiin ah ka tagi lahaayeen guurka, iyagoo ku dayanaya Rasuulka SCW, markaasna waxaa lumi lahayd muhiimaddii wayneyd oo ahay din la is guursado si bani aadamku u tarmo, uusanna u dabar go’in, waxaa sidoo kale dhici kari lahay din muslimiintu haddii ay guurka ka tagaan ay yaraadaan, gaaladuna ay badato, sidaa daraadeed Islaamku waa uu reebay in guurka iyo hawlaha kale ee addunkaba laga fogaado sida suufiyada qubuuraha gala ama cilmaaniyiinta dhaha konton sano ayaan ku guursanayaa. Rasuulku SCW waxa uu maqlay sadex nin oo kala go’aansaday in aysan seexan, salaatu-layl u taagnaadaan, maalinkii soomanaadaan, aysanna guursan, markaasuu Rasuulka SCW yiri “anigu waan seexdaa, waan tukadaa (salaatu-laylka), waan soomaa, waan afuraa, dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda khilaafana iga mid ma ahan (Ummadayda kama mid ahan).
3. Sidoo soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay u badnaayeen dumar ragoodii oo dhintay oo dhibaataysan, sidaa daraadeed si uu ugu kaalmeeyo, diintoodana u dhawro ayuu u guursaday, sidoo kale waxa ay dumarkaasi u badnaayeen dadkii Ilaahay diintiisa ugu horeeyey oo loo dhibay Alle dartii, qaarkoodna waxa ayba ka mid ahaayeen dadkii markii dhibku ka batay u cararay dhulka Xabashida sida; Umu-Xabiiba oo markii ay dhulkaa fog taktay ninkeediina ka ridoobay, Umu-Salama iyo Sawda oo iyagana markiii ay hijrada ka soo laabteen ka dib ragoodii hinteen, sidoo kale waxa uu qaarkood u guursaday in u kaalmeeyo caruurtana la koriyo maadaama ay ragoodii u dhinteen Alle dartii.
4. Carabtu waxa ay waagaas aad u xurmayn jirtay xididka oo way qadarin jireen, sidaa darteeed waa la wada og yahay booska ay islaamka u joogeen afartii khulaaf’ul-Raashidiin oo uu Rasuulku SCW xididka la ahaa, sidoo kale qabiilooyin iyo dad awal islaamka la dagaalamayey ayaa markii uu Rasuulku SCW la xididay dhibtii joojiyey, dabadeedna sooba islaamay, sida reer banii musdhaliq oo soo islaamay markii uu Rasuulku SCW ka guursaday Juweyriya bintu Xaarith oo aabeheed ciddaas oday u ahaa, sidoo kale Abii Sufyaan oo si daran Rasuulka iyo islaamkaba ula colaytamay markii uu Rasuulku SCW guursaday gabadhiisii Umu-Xabiiba waa soo jilcay ilaa uu ka islaamay isaga iyo qabiilkii uu madaxda u ahaa ee quraysh.
Haddaba dhawrkaas qodob oo aan soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waxa ay ina tusinayaan xikmooyinkii iyo faa’iidooyinkii ku jiray guurkii Rasuulka SCW. Waxa ay mustashraqiinta diin laaweyaasha ahi mararka qaarkood qoraan iyaga oo raadinaya meel ay Rasuulka SCW iyo islaamkaba ceeb uga helaan in Rasuulku SCW u guursaday haweenka badan shawwo ahaan, waxaase qofkii wax garad ahi garan karaa in aysan jirin arintaas ay acdaada Alle ku mayraysanayaan, maxaa yeelay sida la wada ogsoon yahay Rasuulku SCW markuu dhalinyarada ahaa ma uusan guursan haween badan, sidoo kale ma uusan guursan gabdho yar yar ee waxa uu guursaday Khadiija oo markaa da’ahayd oo soo guursatay labo nin, isla markaana ma uusan guursan haween kale ilaa ay dhimatay isaga oo konton jira ah, markii ay dhimatayna ma uusan guursan gabar yare waxa uu guursaday Sawda oo ahayd islaan weyn oo garoob ah, sidoo kale saan soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulu SCW guursaday oo dhan waxa ay wada ahaayeen garoobo Caa’isha mooyee, wuxuuna haweenka badan guursaday sannadihii ugu dambeeyey cimrigiisa.
Ugu dambayntii saan soo ishaarnayba waxaa Rasuuulka SCW guurkiisa ku jirey xikmooyin uu Alle garanayo, annaguna aannaan wada koobi karin, mana haboona in qof muslim ah is waydiiyo sababta uu Alle ugu baneeyey Rasuulkiisa SCW dumarkaa badan, maxaa yeelay waxa ay taasi noqonaysaa in uusan qofku ka raali noqon xukunka Alle oo uu la dhinactamo Alle iyo Rasuulkiisa SCW, qofkii uu waxyaalahaas shaydaanku ku waswaasiyana waa qof ka shakisan diinta Alle, maxaa yeelay Alle waa Xakiim shay walbaba meeshii ku haboon dhiga, isagaana Rasuulkiisa SCW iyo Rusuhii kale ee ka haweyn badnayd Rasuulka SCW u baneeyey haweenkaa badan.
Ka dib markii uu Rasuulku SCW isu keenay sagaal haween ah (oo nikaaxiisa isugu yimid) ayaa Alle ka xarimay in uu haween dambe guursado, waliba waxaa isaga gaar looga xarimay oo lagu siyaadiyey in uu haweenkuu qabay ku badelo haween kale, wuxuuna Alle isagoo arrintaa tilmaamaya qur’aankiisa ku yiri:
((XALAAL KUUMA AHAN NABIYOW DUMAR (KALE) DIB DAMBE, KUMANA BADALI KARTID (HAWEENKA AAD QABTO) DUMAR KALE, HABA KU CAJAB GALIYO (DUMARKA KALE) WANAAGOODU, KUWAY MIDIGTAADU HANATAY MA AHANE (KUWA GAALADA LAGA QABSADO), ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY KASTA KII LA SOCDA)), (Suuratul-Axsaab 52).
SIFADII RASUULKA SCW
Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim oo lagu yiri “wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale”, wuxuu yiri “maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale”. Afkiisu waasic ayuu ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan yahay, isaga oo aan indha kuulan, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan, dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu ma adkayn, jileec daadsana ma aysan ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa gaari jirtay dhagaha, mararka qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna madoobayd oo cirro wax yar buu ka lahaa, waxa uuna Anas binu Maalik oo tilmamayey sheegay in waqtigii cimrigiisa ugu dambeeyey cirradii ku taalay madixiisa iyo garkiisa aysan dhamayn 20 tin.
Rasuulka SCW midabkiisu waxa uu ahaa caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn mana gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex dhexaad, miisaankiisu waxa uu ahaa dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana ma ahayn, xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen, garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay khaatuma Nubuwihii oo ka samaysnaa tin meesha ku ururtay, sidoo kale gacmaha iyo lugaha wuu u waa waynaa, markuu soconayo wuu dheerayn jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la socdaan ay dhib ku ahayd gaaritaankiisa, markuu meel eegayana wuu wada jeensan jiray, markuu qoslayana wuu dhoolo caddeyn jiray, mararka qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay miciyihiisu ka muuqdaan, hase yeeshee kuma qosli jirin qosol dheer oo gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey qur’anka.
Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo badan oo qur’aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan.
((WAXAAD KU SUGAN TAHAY AKHLAAQ WAYN)), (Suurat Al-Qalam 4).
Sidoo kale Caa’isha markii la waydiiyey waxa ay tiri: “dabeecadiisu waxa ay ahayd qur’aanka”.
Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii, caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor yimid.
Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin Alle doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka dahiray nusqaan kulligeed.
Submissions of KITAABKA SIIRADA RASUULKEENII SUUBANAA Muxammed (SCW)
Dostları ilə paylaş: |