Kitaabka siirada rasuulkeenii suubanaa muxammed



Yüklə 0,77 Mb.
səhifə3/28
tarix29.10.2017
ölçüsü0,77 Mb.
#19702
1   2   3   4   5   6   7   8   9   ...   28

Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)

Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: “ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: “waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna qur’aankiisa ku yir:

((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA’IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).

Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: “Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: “waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar”. Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu’miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:

((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14).

DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY

Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.

Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey “ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin”. Bilaal wuxuu ku dhihi jirey “AXAD” oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: “maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah”, markaasuu yiri: “wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee’, markaasuu Abuubakar yiri: “waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa”, sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:

Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).

Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: “sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee”, Odeygii Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku dheheen “hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:

Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).

Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri: “Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.

Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.

Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa’it oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yiri: “isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yiri: “ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay “haa,” waxa uu yiri: “halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya waxa uu Qur’aankiisa ku yiri:

((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO) LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).

Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee cid difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn ee ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: “Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay”. Markaasaa Nagibu SCW ku yiri: “waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yiri: ‘Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way dili jireen ama wa cadaabi jiree”.



DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM

Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen intii Makka la joogey.

In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana xikmadda dacwadu waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri lahaayee ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa soo food saari lahaa, sidii dhacdayba maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.



HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY

Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.

Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda “waa ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud”. Waxay kooxdaasi ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.

Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaarsiiyo diinta Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney qur’aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.

Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yiri: “ma maantaad qur’aankiisii iyo ilaahiis u sujuuddeen!?”. Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: “ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri “kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey”, sidaa darteed ayaannu u sujuudney”. Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey sujuudeen.

Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd ee dhulka Xabashida u hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii oo la bddelay oo waxaa lagu yiri: “odeyaashii qureysheed waa islaameen” markaasay si halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa geeyey dhul aysan garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa carar ay diintooda la cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaareen duleedka Makka ayey ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa talo ku caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku noqotay dhulkii Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo gashay Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah odeyaashii qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay muslimiinta ku hayeen waxayna soo saareen go’aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro.

Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay waxaa ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa la kulmay nin la oran jiray ibnu Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu Bakar ku yiri: “xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku yiri: tolkay ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan dhulka ku socdo oo (tago meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa hadlay oo yiri: “adigoo kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku meggan geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo noqday, Ibnu Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar meggan geliyey. Qureyshna wa ay ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan. Sidaas ayuu markaa Abuu Bakar ahaa ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur’aanka ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar marka uu Qur’aanka akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen inuu ka laabto (meggan gelyadii uu Abuu Bakar u fidiyey), Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu (Abuu Bakar) cibaadada siraysto ama kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey meggan gelyadiisii kuna yri: “waa kuu celiyey meggan gelyadaadii, waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.



U TEGITAANKII ABII-DHAALIB

Qureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen “Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa”, Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri “adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin”. Rasuulka SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri “adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: “Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo”.

Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go’aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri “adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas”.

Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen “Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba”, Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri “ma waxaad iigu timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan”, meeshiina waa lagu kala tegey.

DHIBAATOOYINKII QUREYSHI KU HAYSEY RASUULKA SCW

Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay, ayey waxay go’aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la hadlay oo ku yiri: “waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin, markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i difaaca”, dadkii qureysh waxay dheheen “waa ku difaacaynaa abal-xakam”.

Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay Rasuulka SCW oo tukanaya markaasuu dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay si uu u fuliyo go’aankiisii, sidii loo dhowrayey inuu ficilkiisii fuliyo ayuu gadaal gadaal u soo boodey, markaasaa la yaabay oo la yiri “maxaa kugu dhacay”, wuxuu yiri “waxaan arkay neef rati ah oo weligey wax luquntiisa oo kale leh aanan arag, anigana igu soo dhaqaaqay”, Rasuulka SCW wuxuu yiri “kaasi malaku Jibriil buu ahaa, hadduu Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dafi lahaa”.

Sidoo kale ninka la yiraahdo Cuqbata ibnu abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka oo kacbada ku tukanaya, markaasuu inta mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku ceejiyey, markaasaa Abuubakar al-siddiiq meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri “ma waxaad dileysaan nin yiri Rabbigey waa Allaah”, markaasey qureyshtii meesha joogtey Abuubakar ku jeesteen oo rifeen. Abuubakar waxaa meesha laga qaaday isagoo tacbaan ah.

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in markey wax walba oo ay sameeyeen ku joojin waayeen Ilaahay diintiisa afna wax uga qaadi waayeen ay gacan ula tageen Rasuulka SCW iyagoo ay ujeeddaddoodu tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese waa diiday.



ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIB

Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.

Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri “haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd”, Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan.

Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri “iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye”, iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.

Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yiri “wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay”, sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.



ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB

Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri “Cumar xaggee u socotaa?”, wuxuu yiri “waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey”, markaasuu ku yiri “ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!”.

Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur’aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur’aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur’aanku ku yiilley xaseysey (qarisay).

Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri “keen wixii aad akhrineyseen”, markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen “waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay”. Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri “i tus waxaad akhrineyseen”, waxay dheheen “waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno”, wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri “hadalkaan waa hadal cajiib ah”.


Yüklə 0,77 Mb.

Dostları ilə paylaş:
1   2   3   4   5   6   7   8   9   ...   28




Verilənlər bazası müəlliflik hüququ ilə müdafiə olunur ©muhaz.org 2024
rəhbərliyinə müraciət

gir | qeydiyyatdan keç
    Ana səhifə


yükləyin