Waa wargeys ay soo saarto Hay'adda Dalmar Foundation, soona baxa bishii Labo jeer, Sabti 17-ka Maarso 2007, Sanadka 1aad, Cadadka 4aad, ka akhriso website-ka www.dalmar.org
Tifaftiraha: Maxamed Cali Maxamuud (Madka), Tel: 655550 / 5573762 (Mobile) / 964128
sheekada
WAA SIDEE XAALADA AY KU NOOL YIHIIN DADKA MAGAAADA MUQDISHO?
Warbixino gaaban oo lagu qorey midka mid ah web site-yada Soomaalida eeg bogga 2aad
Bogga 2aad
DAB QABSADEY XERO AY KU NOOL YIHIIN DAD QAXOOTIGA Bogga 2aad
RUNTA WAA XAL DHAB AH(Sheeko gaaban) Bogga 5aad
NALA BARO BAAQA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADANAHA Bogga 6aad
BOGGA CIYAARAHA: Deco iyo Ronaldinho ma ka Wareegi .. Bogga 7aad
Waa maxay biri-ma geydo?!! Bogga 4aad
Maxay diintu ka qabtaa gudniinka, halkee buuse ka yimid Gudniinka…
Bogga 8aad
Nagala soo xiriir E-mailadan: xafiiskamuqdisho@hotmail.com ama info@dalmar.org
Sawirka aids
HiDDO raaca suugaanta Soomaalida
[Shirib Shiidle] Bogga 3aad
QARAMADA MIDOOBEY OO CAMBAAREYSAY DILKA NIN U OLOLEYNAYAY DHOWRIDA XAQUUQDA AADANAHA. Bogga 2aad
Bogga 2aad
Sabti 17 -ka February 2007, DALMAR PRESS Cadadka 2aad, Sanadka 1aad, Bogga 2aad
Waa sidee Xaaladda ay ku nool ..
Inkastoo magaalada Muq-disho la oran karo waa magaalo la qabsatay is-bad badalka siya-asadeed hadana marka la eego waxaa la oran karaa xaalku waa uu ka badalan yahay sidii hore gaar ahaan marka loo eego waqtiyadii adkaa ee la soo maray.
Marka aad gudaha u soo gasho magaalada waxaa kuu soo baxeysa aragti ka duwan tan aad ka heysato marka aad meel kale joogto, gaar ahaan dhinaca na-bad- galyada iyo waliba isku socodka dadka, dhinaca maga-alada Afgooye oo aan ka soo galay muqdisho ayaa markiiba waxaa ay idhaheygu qabteen ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo aan cidna wehlin gudaha mag-aalada iska dhax jooga taasoo meesha ka saareysa in aragtida oraneysa ciidamada Itoobiya ma dhaafaan xeryaha ay dagan yihiin.
Markii aan gudaha u soo galay sidoo kale magaalada Muq-disho ayaa markii iigu horeysay waxaan arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo sadax sadax iyo labo labo intaba isaga lugeyna-ya agagaarka isbitalka Banaadir iyo waliba aaga daarta lagu mag-acaabo Soobe, kuwaasoo wal-iba u muuqday kuwo aan cabsi badan ka qabin goobta ay ku sugan yihiin,
Laakiin halka aan ku arkay ciidamadii ugu badnaa ee dowlada federaalka waxaa ay aheyd isgooyska NO. 4 oo ay baaritaan ka wadeen ciidamadu, waxaana iigu yaab badneyd in xitaa ciidamadu ay baar-yeen Bacaha ay dadku sitaan oo la ii sheegay in maalmihii ugu danbeeyay lagu soo dhax-qarinayay waxyaabaha qarxa.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho waa kuwo wax yaabaha dhacaya mar walba u toog haya laakiin hadana shaqadu aysan ka joogsan, gaar ahaan marka aad gudaha u gasho gawaarida BLka ah dadku waxaa ay si weyn u hadal hayaan hadba xaaladda magaaladu ku sugan tahay, gaar ahaan waxa saacad kasta dhici kara marka loo eego iska hor imaadyada dhax mara kuwa wax weerara iyo waliba ciidamada dowladda oo hadda ah kuwo u soo jeestay in ay wax badan ka qabtaan amaanka guud ee magaalada.
Dab qabsadey
Qoysas badan oo dagan xerada Ex Damaanyo ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dab uu qabsaday, iyadoo dabkaasi uu baabi'iyay guryo badan, inkastoo aanu geysan wax qasaaro nafeed ah.
Abaarihii 12 kii duhurnimo ee maanta ayaa dab uu qabsaday xerada Ex Damaanyo oo ay daganaayeen dad soo barakacay, iyadoo halkaasi ay ku baaba'een in ka badan 170 aqallo ka sameysan cooshado sida ay soo sheegeen wariyeyaal ka tirsan shabelle oo halkaasi gaaray.
Dabkaan ayaa si daran u saameeyay xeradaasi, iyadoo fiditaankiisa ay sabab u noqotey dabeylo xoogan oo halkaasi ka socday taasi oo keentay in dabka guud ahaan uu simo dhismayaashii ku yiilay halkaasi.
Mid ka mid ah dadka xeradaasi ku nool oo ka gaabsaday magaciisa oo shabelle ay la kulantay ayaa ku eedeeyay dabkaasi in ay ka dambeeyeen dad uu sheegay in ay ku doodayeen lahaanshaha dhulka xeradaasi.
Waxa uu sheegay in dadka ka dambeeya dabkaan ay tahay markii labaad oo dab ay qabadsiiyaan xeradaasi.
Q.M oo cambaareysay dilka nin
Q.M ayaa cambaareysay dilka nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadanaha Somalia, iyagoo ku tilmaamay geeridiisa khasaare soo gaaray Soomaalida, waxayna uga digeen shaqaalaha gargaarka inay bartilmaameed u noqonayaan rabshadaha ka taagan dalka.
Ciise Cabdi Ciise, oo ahaa gudoomiyahii ururka hour-marinta iyo nabada ee Kisima oo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ee koonfurta Somalia, waxaa toogasho ku dilay niman hubeyan oo aan la aqoon isagoo booqasho ku jooga caasimada Muqdishu.
Isku-dubaridaha kaalmooyinka bani’aadnimo ee Q.M ee Somalia Eric Laroche ayaa sheegay in Ciise uu ahaa horyaalka xaquuqda aadanaha ee gobolka sanooyin badan, isla markaana waxa ay geeridiisu ay noqonaysaa shaki la’aan buu yiri khasaare ku dhacay dhamaan Soomaalida.
Laroche waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray shalay in ururada bulshada rayi-dka sida KISIMA ee ka howlgala Somalia iyadoo ay jiraan xaalado adag ay si isa soo taraysa bar-tilmaameed ugu noqonayaan weeraro sababo la xiriira shaq-ada ay hayaan.
Sidoo kale dilka Ciise Cabdi Ciise waxaa cambaaree-yey madaxa dalada difaacaya-asha xaquuqda aadanaha ee Somalia Axmed Kiimiko, isagoo sheegay dilalka lagu hayo waxg-aradka, dadka u dooda xaquu-qada aadanaha iyo ganacsatada inay yihiin astaamo muujuinaya amaandaro soo kordhaysa.
Gudoomiyaha dalada waxa uu sheegay in xaalada xad-gudubyada xaquuqda aadanaha ee Somalia ay sii xumaanayaan, iyadoo dilalka, dhaca, kufsiga, fowdada, iyo dhibaatad lagu hayo dadka ay si kordhayeen dhowan-ahan.
Rabshado ayaa ku sii kordhay Muqdishu ilaa markii dowlada KMG iyo ciidamada Ethiopia ay ka adkaadeen max-kamadahii Islaamiga dagaal laba todobaad socday oo ka dhacay Somalia daba yaaqada sanadkii hore ee 2006-dii.
Sabti 17-ka Marso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 4aad, Sanadka 1aad, Bogga 3aad HiDDO raaca suugaanta Soomaalida
[Shirib Shiidle]
Qeybta 4aad
Aan ugu horeysiino Laashimada Meymuun Biyoow oo noo soo gudbineysa aragtida ay ka qabto marka Ruux, Koox ama Qolo (Q-abiil ama dad kale) looga taag waayo dagaal in Wed wado oo ajashii dhamaatey, waxayna tiri:
-Hadaan Reer Masaa'ib, Maslaxeey Tiraah,
Midka Mowdka Fuulaan,
Maaro loo heleyn.
Beydadkan intooda kale waxaan raacineynaa magacii Laashinka, , oo Macnahooda si dhantaal la' noogu soo gudbinaya.
-Meel Hoo u baahanu,
Hadal weyska diidey,
Howl Ninkeeda Jiifana,
Loo hamuuni Maayo.
(Xasan Sheeqaal)
- Wixii koo kasaayo,
Koona waa kasaa,
Kasya maan isdhaafaa
Leysku keeni waayey.
(Meymuum Biyooy)
Qoorteyda Hoosteera,
Qalbigaan ku yaala
Intaan Qoobka qaadi karo,
Ma Qalaafi doono.
(Xuseen Dheere)
Dad intaad ka deeqan Tahaaw,
Deris kaa rabaa,
Dab qofkaan ka doontaba,
Dacwey kuu qabtaa.
(Xuseen Dheere)
Mukay Muugta Maahe,
Masaar daabi Maayo,
Maradaa Cad Maahee,
Meesha Maal ma yaal.
(Meynuun Biyooy)
Naag Dibmeer taqaan iyo
Duur Dhigaal ma yaalo,
Daab aan saakay geed ku arkaa,
Duhurkaan la goostay.
(M'd Qeylshe)
ILtaag kaama deeqo,
Biyo eeg ka buuxo,
Uurka inteey ka galaan ka,
Ka oon beeli meysid.
(Baar kedeb)
Balli waa banana godan,
Biyo meel ka buuxa,
Beertii ii baxeysana,
Balkeedaan Aqaan.
(Maxamed Qeylshe)
Tobanka beyd oo aan kor ku soo bandhigney waxaa kala leh shan laashin oo can ah, kana Hadley aruuro kala duwan.
Suugaan waxaa la aqoonsadaa ayaa la yiri haddii ay kuu sawrito dhaqanka ama nolosha bulshadaasi, waxaana hubaal ah in ruuxii beydadkaan aqriya uu si sahlan u fahmayo dhaqan hoosaadka ay xambaarsan yihiin.
Hadana waxaan mar kale jaleeceynaa beydad kale oo uusan shacbiga ka xiiso dhicin, mar walbana la soo daliishado, laakiin aan la aqoon cidii tirisay, waxaana ka mid ah:
1- Meel Suu ka beegmaaa,
Safar loo diraa,
Siirkuna (sicirkuna) waxa la socdaa,
Subaxaas la joogo.
2-Sicii weyshu kaa nuugto,
Salaax yeeli mayo,
Saacadaas mideeda kale.
3- Wax su'aal dad kaa galay,
Sahal waa ku weyday,
Ilaahii ninkaasi siiyayse,
Sooryo kuuma weysna.
-4- NInkii xeertan diidaa,
xugunoow rabaa,
Xoog waxaad ku qaadana,
Waa xisaab qiyaamo.
5-Areebeey Afkaagu,
amaan kuuma waayo,
Ardaayaad agaasintayse,
Loo arwaaxi mayo.
6- Nin gaalo soo dilayoow,
Guuli kuuma laabna.
Wax Hadeey ku gaaraana,
Allaa kuu gudaaya.
La soco qeyb kale
Waa daraasad iyo tixraacyo ku saabsan shirib Shiidlaha oo laga raad raacay taariikhyahano iyo suugaanley ay ka mid yihiin: Xuseen Sh. Axmed Kadare.
W/D: Maxamed C.Max'ud (Madka)
SIDEE WAX-BARASHO TAYO LEH LAGU HELI KARAA, KA GANACSIGEEDUNA KU SII SOCON KARAA !!!!
Qeybii 3aad.
2-In dugsiyada ku bahoobey dallada wax-barasho ay ahaa-daan kuwo isku xiran oo wada shaqeyn ay ka dhaxeyso, sida iyaga oo imitixaan (centralized ah) ka wada dhaxeeya sameysta.
3- In dugsi walba oo dallada ka tirsan uu u soo gubiyo xafiiska dallada natiijooyinka imitixaanka ee fasal walba.
4- Ardeygii ka bede-lanaayo dugsi uu dhignayay, una bedelanaya mid kale waa in uu soo maraa xafiiska, si loo hubiyo fasalka uu ku jiro, loona raaciyo warqad cadeyneysa heerkiisa wax-barasho. Maadaama ay dha-cdo in ardey aan fariisin imti-xaan sanad dugsiyeed uu she-egto fasal aanu fariisan, lagu-na qaato,loona texgeliyo shee-gashadiisa beenta ah, iyada oo markaasina ay dhacdo in uu ka boodo fasal ama fasalo ay ahayd in uu fariisto.
5- Guddiga wax-barasho ee dallada ay koormeer joogto ah ku sameeyaan dugsiyada ho-os yimaado si qiimeyn dhab ah loogu sameeyo sida wax-baraashada ay u socoto.
6- In wax-barashada lagu soo celiyo sideedii hore ee ahayd in 12-sano lagu qaato min dugsi hoose ilaa sare.
7- in Ardeyga la dareensiiyo qiimaha ay leedahay wax-bar-ashada oo aan la siinin dhibco aanu kasban, taas oo aan uga jeedo….Waa socotaa.
W/Q: Abshir Cali warsame (Shire)
Sabti 17-ka Maarso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 4aad, Sanadka 1aad, Bogga 4aad
Waa maxay biri-ma geydo?
Biri-ma geyduu dadkuba leeyihiyo, lama gohaadshaane.
Qeybta 4aad
…..Beri baa abaar ba'a-ni ku habsatay deegaanka Ceel-Buur, kadibna waxaa ge-yigaas ku baahay kooxo qowl-eysato ah oo cidii daganti ka helaan dhacay. Maalin maal-maha ka mid ah bey jidka ka heleen oday waayeel ah oo caano sahay ah Sibraar ku wata, waana ka furteen. Odey-gii jiscinka laga dhacay waxaa dantu ku kaliftay in uu ku jid maro qaraabka dabiiciga ah (Sida Miraha iyo xabag-ta).Wuxuuna isaga oo dhan-qalan ku dhow dirqi ku gaarey degmadii tolkiis ku sugnaa. Markuu raggii degmada joog-ey uga sheekeeyay wixii ku soo dhacey, waxay ararintii ku noqotay mid ay qaadan kari waayeen oo ka baxsan xeerkii Soomaalida u lahayd taakuley-nta maatada, iyagoo falkaas burcada u arkey qurgooyo odeyga loogu talo galay .
Xiisad ayaa meeshaas ka aloosantay , waxaana isu soo baxay dhalinyaro ka care-ysan wixii odeyga ciroolaha ah loo geystay oo u ololeynaya in weerar la gelsho beeshii tuug-adu ka dhalatay. Si uu u deiyo fidnadii aloosantay, dagaal dhacana u horjoogsado, ayaa gabayaaga la oran jiray Cey-nab Diirshe, isaga oo dhal-inyaradii reer Tolkiis celinaya, wuxuu tiriyay gabaygaan oo uu canaan iyo caqli celin ugu jeedinayo reerkii dhalinyarada burcada ahi ka soo jeed-ay.Wuxuuna yiri:
-Nimanka sabada Ceel-Buur fadhiya, Sawdka laga keenay.
-Ee aanan sifihiisa garan, waxaan ku suureeyo.-Dhaqankeennu summad weeye e waxaan, sinnaba loo sheegin.
-Siddeetan jir Sunniyuhu murxeen misana, Socod ku soo daaley.
-Oo saan-ku- boore ah nafl-uhu, kala sawaad roone.
-Saymaha colaadeed nink-aan. Si xunba loo eegin.
-Sifo xumida ay kula kaceen, saaruqiyo tuuggu.
-Ee Sibraarka ay uga furte-en, sahayda Jiilaalka.
- Ee laga sukuudeen haddana, sababna loo yeelin.
- War yaa sababay geerida hadeey, beladu saan qaado.
Markii gabaygani gaarey dee-gaankii mashaqadu ka dha-cdey, waxaa deg deg u shirey wax garadkii beesha, waxayna ergo u soo direen eheladii od-eygii la furtey. odayaashii lab-ada dhinac markeey isla eeg-een xeerkii ka yiil dhibaateynta maatada waxay, wadaxaajood kadib, ku heshiiyeen in (I) xaal marin xumo tir ah la siiyo beeshii ciroolaha ka dhashay (2)waxay ergadii timid garow-satay in falka dhacayuu ka dhignaa iyadoo ninkaasi waa-yeelka ah la diley, sidaas dar-teedna waxay ogolaadeen mag bixin. Hase yeeshee taasi waa laga cafiyay iyadoo lagu bogsadey garowshiyihii ay keeneen.
J- Bukaanka
Bukaanka saanjiifka ahayaa isagana dilkiisa iyo dibad-daa-byadiisa laga caaganaa, iyad-oo caadada Soomaalidu aha-yd in haddii dagaal dhaco, lala dagaalamo oo la iska celiyo ruuxii kula dagaalami kara oo kaliya.Sidaas Awgeed haddii beel la weeraro oo lagu tago nin buka oo bukaan la jiifa, in la dilo ama dhibaato kale la gaarsiiyaa waxay ahayd wax dhaqanka iyo dadnimada ka baxsan, waayo bukaanku wux-uu ka tirsanaa maatada ama dadka awooda aan lahayn ee dilkoodu reebanaa.
2- Culimada iyo Xerta
Ragga Soomaaliyeed waxaa loo kala saari jirey Wa-daad iyo Waranle. Wadaadku wuxuu ahaa nin Ilaahey u go'ay oo ka caaggan waxy-aabo badan oo ninka Waran-laha ahi u furnaa sida dilka iyo dhaca.
Wadaadada iyo Ardey-da xerta ahee diinta baran-ayaa waxay ahaayeen dad aan ku dhaqmin ficilo Qabiil, hub qaadan, dagaalna ka qey-b gelin. Sidaas darted waxay door weyn ka qaadan jireen dhex-dhexaadinta iyo nabade-ynta qabaa'iladu marka ay col-aadi dhex marto.
Taasi waxa ay keentay in Wadaadadu sahay la'aan meel kasta ay maraan, iyaga oo huba in cid walba ay marti gelin iyo soo dhoweynba ay ka helayaan, sida ku cad gabay-ga Maxamed C/lle Xasan uu ku yiraahdo:
- Wadaadkii Kitaabo leh inaan, wan u qalaa weeye.
- Waylaalis inaan meel Udgoon, ugu wadhaa Weeye.
- Walanqihi iyo dhayada inuu walamsadaa Weeye.
La soco qeybta kale
Qormadan waxaa iska kaashaday Bisha Cas iyo Dalmar Foundation
S abti 17- Maarso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 4aad, Sanadka 1aad, Bogga 5aad
(Sheeko Gaaban)
Qeybta: 4aad
''Waaan is wada ogeyn hablaheena meesha ku qayila in nala wada qabo..'' ayay tiri Marwo Suleeqa.
Markey cabaar aamusneyd oo ay aragtay inaan su'aal kale la weydiinayn, ayay Marwo Sulee-qa halkii ka waday sheekadii ''Wiilka aan saaxiibka ahayn iyo asxaabta kalaba, waa kuwa aan isla qayilnee, waxaan kula xiriiri jiray Telefoon ku jiray guriga aan ku qayili jiray oo ay degenaayeen wiila-sha, Anagana waxaa noogu jiray Teleefoonkaan oo hada agtiina yaala, laakiinse anigu ma barin asxaabteyda dhamaantoodbaTeleefoonkeyga, waxaana u sheegay in aan Teleefoon lahayn, balse guri xaafada ka mid ah aan ka soo diro Tele-efoonka, mar marna aan ka soo diro farm-ashiyayaalka marka aan soo adeeganaayo, waayo waxaan iska ilaalin jiray, haddii ay asxaabteyda ii soo diraan Taleefoon in uu ka qabto Ninkeyga kad-ibna ay sidaa ku ogaadaan in ley qabo....
''Cajiib.....! waxaan iska ilaalin jiray in Asxaabteyda ay ogaadeen in ley qabo..!'' ayuu yiri Cumar oo sheekada wax ka dhageysanayey, isagoo la yaa-ban hadalkaa ay tiri Marwo Suleeqa, ''Oo Ninkaaga inuu marnaba ku ogaado kama cabsi qabin miy-aa..? ayuu hadana raaciyey hadalkiisii.
Marwo Suleeqa intey ilko cadeysay ayay halkii ka sii wadatay sheekedii iyadoo eegeysa Cumar, madaxana u ruxeysa, '' si aan ii fahmin in aan cuno qaadka, ayaan qorshe fiican u degsaday, maalmaha aan qayilaada aadayo, waxaan sida badan qaadan jirey Taksi, waxaana uga degi jirey Taksiga jid-cadaha seddexaad oo meel wax yar ka fog guriga aan ku qayilo, si uu xitaa Taksiilaha u garan guriga aan u socdo, waayo waxaa dhici karta in Taksiilayaasha qaarkood ay is yaqaanaan Ninkeyga, Taksiga aan maanta qaato maalin kale ma qaadan jirin, mar marna waxaan raaci jirey Basaska BL-ka ah.
''Wallaahi Suleeqay qatar baad tahay oo maskax badan baad adeegsatay...!'' ayay tiri Haboon oo aad ula yaaban sheekada Marwo Suleeqa.
''Wallee, Aniga sidaa uma fikiri lahayn...'' ayay tiri Naagtii kale.
Intey Qososhay Marwo Suleeqa ayay halkii ka sii waday sheekadii iyadoon wax jawaab ah u celin hablihii, ''waxaana caada ii ahayd markaan aadayo qayilaada inaan mar walba Boorsada ku sito (wato) Caday, Catar iyo Xanjo si aan isugu qariyo markii aan soo qayilo ama aan sigaar soo cabo, sigaarkana waxaan cabi jiray marka aan qiyilaayo kaliya.
''Oo haddii aadan qayilin labo maalmood iyo in ka badan miyaadan cabi jirin Sigaarka...? ayay Naagtii kale weydiisay .
''Maya ma haweysan jirin Sigaarka maa-lmaha kale oo aan qayileynin, xataa Ninkeyga oo habeenkii ku qiyili jirayu guriga mar kuu ii soo shid Sigaarka i yiraahdo intaan far iyo Suul ku qabto Sigaarka iskana fogeeyo qaaciisa sidii qof uu dhibayo sigaarka oo kale ayaan u soo shidi jiray isagana wuu ila yaabi jiray markuu arko sidaan u dhibsanayo Sigaarka.
''Oo hal marna lagaa ma shakin miyaa..? ayay Naagtii kale tiri .
Marwo Suleeqa intey nawada eegtey ayay Cunigii korka u saarnaa dhinaceeda fariisisay ayay tiri iyadoo ilka cadeynaysa '' Muddo labo sano ah ayaan sidaas ku socday laakinse labo mar ayaan sigta, markii saddexaadna waan ku dhacay shabaqa.
''Luuqluuq marow laasin laamiga ...'' ayuu la soo booday Cumar oo aad ugu kacsanaa hablaha noocaas oo kale. waa la wada qoslay cabaar ayay dadkii sheekadii dhageysanayay wada kaftanay waxaana dhx maray dood anagoo u kala safanay Rag iyo Dumar, ugu danbeyntiina Marwo Suleeqa ayaa halkii ka sii waday sheekadii '' Galab galbaha ka mid ah ayaa Ninkeygii markuu qadeeyey doontay qaad wax shaqo ahna ma uusan lahayn galabtaasi, balse iima uusan sheegin aniga inuu joogayo galabtaasi, mar allaala iyo markii uu albaabka ka baxay ayaan anigana ka daba baxay oo aan iska aaday qayilaadeydii igasana intuu qaad soo qaatay ayuu iska fadhiistay guriga, gabar-yar oo noo joogtayna shaahigii iyo wixii kale uu u baahnaa u diyaarisay halkiisa ayuuna iska fadhiyey ilaa maqribtii aan ka soo laabto mana warsan gabadhii yarayd halkii aan aaday.
''Oo maad Teleefon u soo dirtid gabadha...? ayay tiri Naagtii kale iyadoo naxsan oo dhidideysa.
''Waxaasi oo dhan ayaanba ka soo horjeeday waayo waxaa dhici karta in Asxaabta aan la fadhiyo in ay bartaan Teleefonkeyga ama uu iga qabto Ninkeyga oo iaga soo hor maray ayay ku jawaabtay Marwo Suleeqa.'' Waa socotaa…
Waxaa Qoray:
Abshir Cali Warsame (Shire)
Sabti 17-ka maarso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 4aad, Sanadka 1aad, Bogga 6aad
NA LA BARO BAAQA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADANAHA.
Qeybtii 3aad.
Labadii cadad ee aan ka soo gudubney waxaan idin soo gudbinay qodobo ka mid ah baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, si aan bulshada Soomaaliyeed uga faa'iideystaan.
Xasuusin: Qofka Islaamka ah waa in Baaqa uu ku saleeyaan waxa ay ka qabto Diinta Islaamka.
Qod XIX
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdimo ah.
Qod XX
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.
2. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
Qod XXI
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah .
2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb gala-an maamulka sare ee dalka ka jira.
3.Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Daw-ladda; rabitaankaas wax-aa lagu muujinyaa doorosh-ooyin run ah oo xilliyo joogta ah dhacaya, laga wada qayb-gal-aya, waxayna u dhacayaan si qarsoodi ah ama hab kale oo wax lagu doorto oo xor ah.
Qod XXII
Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelk-aas oo qof waliba u fududa-ynaya xuquuq dhaqaale, muj-tamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qo-fka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dada-lka gudaha iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo laga ee-gayo nidaamka iyo ilaha dha-qaale ee Dawlad kasta.
Qod XXIII
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, in-uu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qab-anayo, in sharuuduhu shaqa-da ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danayn-aya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.
2. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabta-an.
3. Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mu-shaar wax taro, kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qo-yskiisuba. Loona kabo haddii loo baahdo daryeellada kale.
4. Qof kastaa wuxuu xaq u le-eyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo jiray si uu u ilaa-liyo danihiisa.
Qod XXIV
Qof kasta wuxuu xaq u leey-ahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaq-ada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u socdo.
Qod XXV
1. Qof kastaa wuxuu xaq u le-eyahay inuu gaaro heer nolo-leed oo waxtar u ah caafi-maadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeey-aan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uus-an la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.
2. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
La soco qeybaha kale
Sabti 17-ka Maarso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 2aad, Sanadka 1aad, Bogga 7aad
Deco iyo Ronaldinho ma ka..
Kooxda Barcelona ayaa tixgalin siin doonta in ay iibiso ciyaart-oyga khadka dhexe ee Deco.
Jariidada Diario Sports ayaa sheegay in kooxda Barc-elona ay diyaar u tahay in ay dhamaadka xilli-ciyaareedkan lacag ku badalato ciyaartoyga khadka dhexe ee Deco iyo ciy-aartoyga isku kooxda yihiin ee Rafael Marquez.
Labadan ciyaartoy ayaa leh wakiil kaliya Jorge Mendes, taas oo uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay kooxda Chelsea, kadib markuu tababare naadiga Chelsea Jose Mourinho uu mu-ujiyey xiisaha uu u qabo sidii uu ciyaartoy Deco heshiis ula gali lahaa.
Deco ayaa kooxda Bar-celona kula jira heshiis socon doona ilaa sannada 2010-ka
Naadiga Barcelona ayaa waxay diyaar u tahay in ay iibin doonto ciyaartoygan 29-jirka ah, laakiin ciyaartoygan ayaa sumcad we-yn ku leh kooxaha ka dhisan Yurub iyo isaga oo ay bartil-maameed ka dhiganayaan koo-xaha waaweyn ee England, sida naadiga Manchester Unit-ed iyo Liverpool.
Sidoo kalana ciyaarto-yga ay isku kooxda yihiin ee Ronaldinho ayaa la filayaa in uu u wareegi doono naadiga AC Milan.
Jariidada ciyaaraha ee Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in wakiilka ciyaarto-ygan, isla markaana walaalkii ah Roberto Assis uu wada-ha-dalo la yeeshay madaxweyne-ku-xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani.
“Barcelona waa koox tixgalin muddan, isla markaana xidhiidhka naga dhexeeyaa waa mid aad u sareeya, sidaa daraadeed wax dhibaato ahi ma jirto, laakiin waxa suurtogal ah in walaakay (Ronaldinho) muujiyo xiisaha uu u qabo u wareegida naadiga AC Milan,” ayuu yidhi Assis.
Wakiil Assis ayaa tilmaamay in dalka Italy ay ku suganyihiin ciyaartoy badan oo u dhashay dalka Brazil oo ay ka mid yihiin Ricardo Oliveira, Ronaldo, Ka-ka, Dida, Cafu iyo Serginho.
Waxana uu intaa ku daray; “Dalka Italy waxa ku nool qoysas badan oo Brazil ah, kuwaas oo mar kasta si wanaagsan noo soo dhaweeya iyo ciyaartoy farabadan oo ay ka mid yihiin Kaka, Ronaldo, Ricardo Oliveira, Dida, Sergin-ho iyo Cafu.” Sidaa waxa yidhi Assis.
Dhinaca kalana Galliani ayaa sheegay in kooxda Milan ay noqon doonto naadiga ugu horeeya ee heshiis la gali doo-na Ronaldinho, haddii ay dhac-do in ay ciyaartoygan fasaxaan.
Lampard oo ka Dalbaday.
Ciyaartoyga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lampa-rd, ayaa naadiga Chelsea ugu cago-jugleeyey in uu ka waree-gi doono xilli-ciyaareedka soo socda haddii aanay kooxda Chelsea dhammaadka bishan March heshiis muddo kordhin ah la galin.
Jariidada The Times ayaa sheegtay in ciyaartoygani ay soo food saartay walaac aad u weyn oo ka haysta in uu qali-nka ku duugo heshiis muddo kordhin ah, kadib markay naad-iga Chelsea ka cagajiiday in Lampard ay heshis cusub saxe-exo.
Laakiin Lampard ayaa tixgalin siin doona in uu si shakhsi aha-aneed u iibsado muddada lab-ada sanno ah ee uga hadhsan heshiiska uu hadda kula jiro kooxda Chelsea, taas oo waa-fiqi doonta xeerka heshiisyada ciyaartoyada ee Fifa, sidaa daraadeed marka la gaadho bisha July ee sannadan waxa uu ciyaartoygani fursad u heli doonaa in uu isago si gaar ahaaneed heshiis ula galo kooxda uu doorbidayo.
Ciyaartoygan ayaa u go-ogol-xaadhanaya sidii uu xilli-ciyaareedka soo socda ciyaar-ihiisa kubadda cagta ugu guurin lahaa naadiyada kale ee Yurub.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Kooxda kubadda cagta ee jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Newzealand ayaa usbu-ucyadii la soo dhaafay ku guu-laysatay laba koob oo loo dhi-gay jaaliyadaha ku dhaqan dalkaasi iyo waliba kuwa musli-miinta ahba.
Guulahan oo ah kuwii ugu horeeyey oo ay gaaraan mudadii 10 ka sanadood ahayd oo ay ka qaybgalyeen tartama-dan ayaa ah kuwa ay si aad ah ugu farxeen bahwaynta reer New Zealand isla markaana ah kuwa lama iloobaan ah.
Kooxdan oo sidoo kale ah horyaalka soomaalida qaar-adda Audstralia ayaa wacdaro ka dhigay cayaarahan oo loo dhigay jaaliyadaha kala gedi-san oo ku dhaqan dalkaasi aya-goo sidoo kalena ku guulaystay koob loo dhigay dalalka islaa-mka ah ee ku dhaqan New Zealand.
W/Diyaariyay: Maxamed Gaab (Bagaani)
Sabti 17-ka Maarso 2007, DALMAR PRESS Cadadka 3aad, Sanadka 1aad, Bogga 8aad
Maxay diinta Islaamka ka qabtaa Gudniinka, halkee buuse ka yimid gudniinka Fircooniga?
Qeybtii 2aad
Ummul-Muhaajir waxa laga weriyey inay tiri: (Annagoo dhowr hablood ah bay muslimiintu na qabsadeen markay la dagaallamayeen Roomanka, markaas buu Cusmaan bin Caffaan (RC) inoo soo ban dhigay inaynu islaanno, intii kale markaa way diideen aniga iyo gabar kale mooyee. Markaas buu yiri: Guda "labadooda" oo daahiriya, sidaas baan Cusmaan ugu noqday adeegto). Gudniinka dumarka lagama yaqaanno dalalka loogu yeero galbeedka Carabta (Tuniisiya, Marooko, Liibiya) iyo dalal kale oo Islaam ah. Wararku waxay sheegayaan in Car-abtu adeegtooyinka (dumarka addoomaha ah) oo qura ay gudi jireen. Maalik waxa laga weriyey inuu yiri: (Ninkii adeegto iibsadaa hadduu doonayo inu haysto ha gudo hadduu doonayo inuu sii iibiyase kuma qasbana gudniinkeeda).
Kolkii Ibnu Teymiyah la weydiiyey haweeneyda ma la gudayaa?, waxa uu ku jaw-aabay: (Ilaah baa mahad leh, haah waa la gudayaa guditaankeeduna waxa weeye in laga jaro foodda sare ee maqaarka dhoowka Diiqa u eg, naag hab-laha guddana Rasuulku "SCW" waxa uu ku yiri: U ursii awooddana ha ka qaadin wejigana saasaa u farxad badan ninkana u fiicane. Ulajeeddada laga leeyahay gudniinka ninku waa in la saaro wasakhda ku qarsoon qolfada, gudniinka dhaweeneydana waa in la dheellitiro rabitaankeeda, haddaanay naagtu gudnayn waxay noqotaa mid aanay waxba deeqin). Dhammaad warkii Ibnu Taymiyah.
Dadka u ole'oleeya gudniinka dumarku wax-ay soo daliishadaan Xadiis saxiix ah oo laga weriyey Caa'ishah "RC" Nabiguna "SCW" ku leey-ahay: (Labada gudniin hadday kulmaan qubays baa waa-jibay). Xadiiska Maalik baa ku weriyey kita-abkiisa Al-Mowdi', Muslimna Saxiixiisa, Tirmidi iyo ibnu Ma-ajan Sunankooda. Waxayna ole'ol-eeyeyaashu ku andacoodaan in ereyga 'Labada gudniin" uu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dum-arka labadaba. Ha yeeshee dadka kasoo horjeeda gudniinku iyana waxay ku doodayaan in ereygaasi aanu daliil u noq-on karin gudniin dumarka. Waxay leeyihiin Afka car-abiga kolka laba wax la maga-caabayo waxa laba-doodaba lagu magacaabaa mag-aca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo qaadan-ayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada Bil) oo loola jeedo Bisha iyo Qor-axda, Al-Cishaa-aan (labada Cishe) oo loola jeedo Maqribka iyo Cishaha, Al-Duhraan (labada Duhur) oo loola jeedo Duhurka iyo Casarka, Al-Aba-waan (labada Aabbe) oo loola jeedo Aabbaha iyo Hooyada. Waxay tusa-ale xoog leh usoo qaateen Aay-adda Qur'aanka ah: labada Bad kan hore ee macaani waa Webi kan da-mbe ee qaraarina waa Bad. Sidaa daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga ee saxiixa ah meelna ka-ma soo galo gudniinka habluhu, waxa lagu doodayo oo Xadiisyo ku saabsan habla gudistuna gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna ma sii dhaafsana caado uu Islaamku u daayey waq-tiga iyo horumarka cilmiga ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.
Ibnul-Jowziy waxa uu diiday in hablaha dhegaha loo dalooliyo oo waxa uu taa ku tilmaamay inay tahay is shaabadeyntii Rasuulku (SCW) uu yiri: (Eebbe waa Lacnadaa ta is shaabadeysa iyo ta wax shaa-badeysa). Ibnul-Jowziy waa uu xaaraantinimeeyey dhegaha hablaha yaryar loo daloolinayo maadaama ay xanuun ku keeneyso, ha yeeshee waa uu oggo-laaday in hablaha la gudo. Haddaba, isagoo sharraxaad ka bixinaya sababaha uu u banneeyey gudniinka waxa uu yiri: (Faa'iidooyinka gudniinka waxa kamid ah nadaafadda, isqurxinta, suurad hag-aajinta iyo toosinta shahwada oo iyada haddii laysa badbadiyana dadku Xayawaannada kamid noqo-nayo haddii iyadoo dhan la waayana uu ma noolaha kamid noqonayo, gudniinka ayaa shahwada too-sinaya waxanad taa ka garan kartaa kolka aad aragtid ninka iyo naagta aan la gudini inaanay weligood galmo ka dhergeyn). La soco qeybo kale
Xigasho: Buuga raaxada Guurka
Xasuusin: wixii naqdin iyo talo ah noogu soo dira E-mail:xafiiskamuqdisho@hotmail.com Text message:5573762 ama 964128 ama tel:655550
Waxaa qorey: Axmed M. Muuse
Sabti 17 -ka February 2007, DALMAR PRESS Cadadka 2aad, Sanadka 1aad, Bogga 2aad
Waa sidee Xaaladda ay ku nool ..
Inkastoo magaalada Muq-disho la oran karo waa magaalo la qabsatay is-bad badalka siya-asadeed hadana marka la eego waxaa la oran karaa xaalku waa uu ka badalan yahay sidii hore gaar ahaan marka loo eego waqtiyadii adkaa ee la soo maray.
Marka aad gudaha u soo gasho magaalada waxaa kuu soo baxeysa aragti ka duwan tan aad ka heysato marka aad meel kale joogto, gaar ahaan dhinaca na-bad- galyada iyo waliba isku socodka dadka, dhinaca maga-alada Afgooye oo aan ka soo galay muqdisho ayaa markiiba waxaa ay idhaheygu qabteen ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo aan cidna wehlin gudaha mag-aalada iska dhax jooga taasoo meesha ka saareysa in aragtida oraneysa ciidamada Itoobiya ma dhaafaan xeryaha ay dagan yihiin.
Markii aan gudaha u soo galay sidoo kale magaalada Muq-disho ayaa markii iigu horeysay waxaan arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo sadax sadax iyo labo labo intaba isaga lugeyna-ya agagaarka isbitalka Banaadir iyo waliba aaga daarta lagu mag-acaabo Soobe, kuwaasoo wal-iba u muuqday kuwo aan cabsi badan ka qabin goobta ay ku sugan yihiin,
Laakiin halka aan ku arkay ciidamadii ugu badnaa ee dowlada federaalka waxaa ay aheyd isgooyska NO. 4 oo ay baaritaan ka wadeen ciidamadu, waxaana iigu yaab badneyd in xitaa ciidamadu ay baar-yeen Bacaha ay dadku sitaan oo la ii sheegay in maalmihii ugu danbeeyay lagu soo dhax-qarinayay waxyaabaha qarxa.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho waa kuwo wax yaabaha dhacaya mar walba u toog haya laakiin hadana shaqadu aysan ka joogsan, gaar ahaan marka aad gudaha u gasho gawaarida BLka ah dadku waxaa ay si weyn u hadal hayaan hadba xaaladda magaaladu ku sugan tahay, gaar ahaan waxa saacad kasta dhici kara marka loo eego iska hor imaadyada dhax mara kuwa wax weerara iyo waliba ciidamada dowladda oo hadda ah kuwo u soo jeestay in ay wax badan ka qabtaan amaanka guud ee magaalada.
Dab qabsadey
Qoysas badan oo dagan xerada Ex Damaanyo ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dab uu qabsaday, iyadoo dabkaasi uu baabi'iyay guryo badan, inkastoo aanu geysan wax qasaaro nafeed ah.
Abaarihii 12 kii duhurnimo ee maanta ayaa dab uu qabsaday xerada Ex Damaanyo oo ay daganaayeen dad soo barakacay, iyadoo halkaasi ay ku baaba'een in ka badan 170 aqallo ka sameysan cooshado sida ay soo sheegeen wariyeyaal ka tirsan shabelle oo halkaasi gaaray.
Dabkaan ayaa si daran u saameeyay xeradaasi, iyadoo fiditaankiisa ay sabab u noqotey dabeylo xoogan oo halkaasi ka socday taasi oo keentay in dabka guud ahaan uu simo dhismayaashii ku yiilay halkaasi.
Mid ka mid ah dadka xeradaasi ku nool oo ka gaabsaday magaciisa oo shabelle ay la kulantay ayaa ku eedeeyay dabkaasi in ay ka dambeeyeen dad uu sheegay in ay ku doodayeen lahaanshaha dhulka xeradaasi.
Waxa uu sheegay in dadka ka dambeeya dabkaan ay tahay markii labaad oo dab ay qabadsiiyaan xeradaasi.
Q.M oo cambaareysay dilka nin
Q.M ayaa cambaareysay dilka nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa xaquuqda aadanaha Somalia, iyagoo ku tilmaamay geeridiisa khasaare soo gaaray Soomaalida, waxayna uga digeen shaqaalaha gargaarka inay bartilmaameed u noqonayaan rabshadaha ka taagan dalka.
Ciise Cabdi Ciise, oo ahaa gudoomiyahii ururka hour-marinta iyo nabada ee Kisima oo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ee koonfurta Somalia, waxaa toogasho ku dilay niman hubeyan oo aan la aqoon isagoo booqasho ku jooga caasimada Muqdishu.
Isku-dubaridaha kaalmooyinka bani’aadnimo ee Q.M ee Somalia Eric Laroche ayaa sheegay in Ciise uu ahaa horyaalka xaquuqda aadanaha ee gobolka sanooyin badan, isla markaana waxa ay geeridiisu ay noqonaysaa shaki la’aan buu yiri khasaare ku dhacay dhamaan Soomaalida.
Laroche waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray shalay in ururada bulshada rayi-dka sida KISIMA ee ka howlgala Somalia iyadoo ay jiraan xaalado adag ay si isa soo taraysa bar-tilmaameed ugu noqonayaan weeraro sababo la xiriira shaq-ada ay hayaan.
Sidoo kale dilka Ciise Cabdi Ciise waxaa cambaaree-yey madaxa dalada difaacaya-asha xaquuqda aadanaha ee Somalia Axmed Kiimiko, isagoo sheegay dilalka lagu hayo waxg-aradka, dadka u dooda xaquu-qada aadanaha iyo ganacsatada inay yihiin astaamo muujuinaya amaandaro soo kordhaysa.
Gudoomiyaha dalada waxa uu sheegay in xaalada xad-gudubyada xaquuqda aadanaha ee Somalia ay sii xumaanayaan, iyadoo dilalka, dhaca, kufsiga, fowdada, iyo dhibaatad lagu hayo dadka ay si kordhayeen dhowan-ahan.
Rabshado ayaa ku sii kordhay Muqdishu ilaa markii dowlada KMG iyo ciidamada Ethiopia ay ka adkaadeen max-kamadahii Islaamiga dagaal laba todobaad socday oo ka dhacay Somalia daba yaaqada sanadkii hore ee 2006-dii.
Waa wargeys ay soo saarto Hay'adda Dalmar Foundation, soona baxa bishii Labo jeer, Sabti 17-ka Maarso 2007, Sanadka 1aad, Cadadka 4aad, ka akhriso website-ka www.dalmar.org
Tifaftiraha: Maxamed Cali Maxamuud (Madka), Tel: 655550 / 5573762 (Mobile) / 964128
WAA SIDEE XAALADA AY KU NOOL YIHIIN DADKA MAGAAADA MUQDISHO?
Warbixino gaaban oo lagu qorey midka mid ah web site-yada Soomaalida eeg bogga 2aad
Bogga 2aad
DAB QABSADEY XERO AY KU NOOL YIHIIN DAD QAXOOTIGA Bogga 2aad
RUNTA WAA XAL DHAB AH(Sheeko gaaban) Bogga 5aad
NALA BARO BAAQA CAALAMIGA AH EE XUQUUQDA AADANAHA Bogga 6aad
BOGGA CIYAARAHA: Deco iyo Ronaldinho ma ka Wareegi .. Bogga 7aad
Waa maxay biri-ma geydo?!! Bogga 4aad
sheekada
Maxay diintu ka qabtaa gudniinka, halkee buuse ka yimid Gudniinka…
Bogga 8aad
Nagala soo xiriir E-mailadan: xafiiskamuqdisho@hotmail.com ama info@dalmar.org
Sawirka aids
HiDDO raaca suugaanta Soomaalida
[Shirib Shiidle] Bogga 3aad
QARAMADA MIDOOBEY OO CAMBAAREYSAY DILKA NIN U OLOLEYNAYAY DHOWRIDA XAQUUQDA AADANAHA. Bogga 2aad
Bogga 2aad
Dostları ilə paylaş: |