Kitaabka siirada rasuulkeenii suubanaa muxammed



Yüklə 0,77 Mb.
səhifə21/28
tarix29.10.2017
ölçüsü0,77 Mb.
#19702
1   ...   17   18   19   20   21   22   23   24   ...   28

3. Qureysh waxa ay ahayd caqabo ummado badan ka hor taagnayd in ay islaamka qaataan markiise ay faraha ka qaadday oo ay la heshiisay aad ayaa islaamka loo soo galay, waxaana loo arkay in ay diintaani xaq tahay oo faafeyso, wax walbana ka sare mari doonto.

4. Qureysh waxa ay oggolaatay in la fidiyo dacwadii islaamka oo ay 13 sano Makka ku hor taagnayd, taas oo ahayd hadafkii ugu weynaa ee ay muslimiintu raadinayeen weligood. In dacwada islaamka dadku xor u noqdaan. Xornimadaas waxa ay dacwadii islaamka u keentay guul weyn taas oo laga garan karo ciidanki msulimiinta ee 3,000 ahaan jirey oo labo sano ka dib markii Rasuulku SCW Makka furanayey 10,000 noqday.

5. Qabiillo iyo dad badan oo awal islaamka u soo geli waayey qureysh sababteed ayaa fursad u helay in ay islaamka soo galaan.

6. Qureysh waxa ay u oggolaatay muslimiinta xaramkii ay 6da sano ka hor taagnayd, taas oo ku tusineysa awood darrida iyo dacfiga ku dhacay, maxaa yeelay way awoodi weyday in ay muslimiiinta u sii diiddo xaramka sannadkaas maahane oo isna ay ku andacooday in dadku ay ku sheekeysanayaan Maxammed ayaa xoog xaramka ku galay.

7. Qodobkii ugu darnaa heshiiska ee msulimiintu dhibka u arkayeen oo ahaa ninkii islaamka ka riddooba in aan la soo celin, kii qureysh ka soo islaamana la celiyo waxa ay ahayd xikmadda ku jirtaa qof islaamaka arkay oo iimaanka macaankiisa dhadhamiyey, kana mid noqday asxaabtii Rasuulka SCW, in uu riddoobo oo galnimo doorto way adkayd, Qofkii se taas sameeye kheyr ma leh, faa’iidana kuma jirto in mujtamaca nadiifka ah ee muslimka lagu soo celiyo oo in uu ka dhex baxo ayaa ka kheyr badan in uu ku dhex jiro. Rasuulkuna SCW isaga oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri “qofkii naga aada (qureysh) Alle ha fogeeyo”.

Dhinaca kale qofkii reer Makka ka soo islaama oo loo celiyo lama dileyn, haddii ay u badatana qaraabadiisa ayaa ciqaabeysey, waxa ayna ahayd arrin imtixaan ah oo Allaah ku kala saarayey, qofkii islaamku dhab ka ahaa wax kasta oo la mariyo waxba kama dhibeyn, qofkiise uusan dhab ka ahayn ama ujeeddo kale u socday markii loo caga jugleeyo ayuu horay u boodayaa oo gaaloobayaa.

Midda kale dhulka Allaah waa waasic oo Madiina iyo Rasuulka SCW maahane meeshii uu doono ayuu aadi karaa sida dhulka xabashida oo ay muslimiin kale jireen muddaba, xornimana lagu siiyey diintooda. Rasuulkuna SCW isagoo oo tilmaamaya arrinkaas wuxuu yiri “qofkii nooga yimaada (soo islaama) Alle wuxuu u yeeli doonaa faraj”. Allaahna wuu u yeelay faraj oo markii Rasuulku SCW ku soo laabtay Madiina oo uu muddo yar joogey ayaa waxaa Madiina yimid oo Makka ka soo cararay in ka mid muslimiintii Makka lagu ciqaabi jirey magiciisana la oran jirey Abuu Bashiir.

Markaas ayey qureysh ka soo daba dirtay Abuu Bashiir labo nin, markii ay labadii nin Madiina yimaadeen ayey Rasuulka SCW ku dheheen “noo dhiib ninkaan waa tii ballan naga dhexaysaye”, markaas ayuu Rasuulku SCW u dhiibay, markii ay la sii marayaan meesha la yiraahdo Dil-xuleyf ayey degeen oo la soo baxeen timir ay wateen si ay u cunaan, markaas ayaa Abuu Bashiir labadiii nin midkood ku yiri “Ilaah baan ku dhaartaye hebelow waxa aan seeftaan u arkaa in ay wanaagsan tahay”, markaas ayuu soo saaray oo yiri “haa Ilaah baan ku dhaartaye way wanaagsan tahay, waana jarribay oo jarribay”. Abuu Bashiir wuxuu yiri “i tusi bal aan eegee”, markii uu u dhiibay ayuu ku dhuftay o qoorta u dheereeyey, kii kale ayaa markaa cararay ilaa uu Madiina ka gaaray oo u galay Rasuulka SCW iyo asxaabtii oo masaajidka jooga. Rasuulku SCW markii uu arkay ninkaas baqaha ah oo fiigsan wuxuu yiri “war kani wuxuu soo arkay wax ka aragagixiyey”. Ninkii markii uu Rasuulka SCW u soo galay ayuu ku yiri “saaxiibkayna wuu diley aniguan wan ka soo baxsaday”.

Ninkii Abuu Bashiir ahaa muddo ka dib ayuu yimid isaga oo seeftiisii wata, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri “Nabigii Allow Ilaah ayaan ku dhaartaye waad oofisay ballantaadii, waadna ii celisay, ka dibna Alle ayaa iga soo koriyey”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “hooyadii ha hoogtee waa kii dagaal hurin lahaa haddii uu cid heli lahaa”. Abuu Bashiir markii uu hadalkaas Rasuulka SCW maqlay ayuu fahmay in usan Rasuulku SCW warkiisii yeelin oo uu ballantii ilaalinayo, haddii ay mar kale yimaaddaana (qureysh) uu u dhiibayo, markaas ayuu iska tegey ilaa uu ka gaaray badda ageeda.

Waxaa isna Makka ka soo baxsaday Abuu Jandal binu Suheyl, Madiinana ma tegin ee wuxuu u tegey Abaa Bashiir. Ka dibna waddadaa ayaa furantay oo ninkii Makka ka soo islaamaba wuxuu u tegi jirey Abuu Bashiir ilaa ay koox ka noqdeen, waxayna fariisteen jidkii ay qureysh Shaam u sii mari jirtey markaas ayey wixii safar ah oo qureysh leedahay oo Makka u socda ama ka yimaada qaban jireen oo raggana layn jireen, xoolahoodana dhici jireen ilaa ay reer Makka ciriiri galeen oo waddadii mari kari waayeen, markaas ayey Rasuulka SCW farriin u soo direen ay leeyihiin “nimankaas nooga yeero ciddii ku soo aaddana waa aamin”.

Markaas ayuu Rasuulku SCW u cid diray Abuu Bashiir iyo raggiisii oo Madiina yimaadeen, halkaas ayuuuna ku burburay qodobkii ahaa ninkii reer Makka ka soo islaama ha la soo celiyo oo Alle ayaa farajkaas u furay, qofkii dambe oo soo islaamana si toosa ayuu Rasuulka SCW iyo Madiina ugu tegi jirey, waxaana ka mid ahaa dadkii bilowgii sannadkii 7aad ee hijriga sida tooska ah Madiina u yimid oo soo islaamay Camar binu Caas, Khaalid binu Waliid iyo Cusmaan binu Dhalxa. Saddexdaas nin oo ka mid ahaa halyeeyadii qureysh markii ay yimaadeen wuxuu Rasuulku SCW yiri “Makka waxa ay idiin soo tuurtay beerkeeda gaballadiisii”.

WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORRADA

QORITAANKII WARAAQIHII LOO DIRAYEY BOQORRADA

Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xudeybiya oo uu heshiis la soo saxiixday codawgii islaamka ugu darnaa ee qureysh, oo ka mid ahaa saddexdii qolo oo ugu fitnada iyo cadaawada badnaa mandiqaddaas, duullaankii Axsaabna isku soo bahaystay, ayuu Rasuulku SCW wuxuu bilaabay in uu dacwadii islaamka u bandhigayo, waraaqana u kala dirayo boqorradii iyo madaxdii caalamka, gaar ahaan kuwoodii ugu waaweynaa, isaga oo jihaadkana dhiniciisa ka wada maxaa yeelay dacwada iyo jihaadku ma kala maarmaan, mana dhici karto in la yiraahdo dacwo ayaa la wadayaa, jihaadna looma baahna, waxayna taasi la mid tahay dowlad ciidan la’aan ah ama ciidan hub la’aan ah. Sidoo kale ma dhici karto jihaad ayaa la wadayaa oo dacwo looma baahna, wuxuu Allaah SW ugu talo galay in ay dacwada iyo jihaadku is dhinac socdaan oo caalamka oo dhan la wada gaarsiiyo diinta islaamka, ciddii ka hor timaadda oo isku deyda in ay joojisa dacwada islaamka ama dadka u diidda in la gaarsiiyo diintaas, in lala jihaado oo la edbiyo ilaa ay ka oggolaato. Jihaadku waqti ma leh ilaa saacadda qiyaame laga gaaro.

Haddaba haddii aan dib u jalleecno mawduuceenii, Rasuulku SCW markii uu soo laabtay isaga oo dacwadii iyo jihaadkiii sidii u wada, ayuu wuxuu bilaabay nooc cusub oo dacwada ka mid ah oo ahayd waraaqo uu u kala direy boqorradii iyo madaxdii caalamka, islaamkana ugu yeerayo. Markii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabayey ayaa waxaa lagu yiri “boqorradu ma aqbalaan warqad aan tiimbareysnayn”, markaas ayuu wuxuu samaystay farraanti qalin ah oo lagu naqshadeeyey MUXAMMADU RasuulU-LAAH, wuxuuna ahaa saddex layn: Muxammed oo sadar ah, Rasuul oo sadar ah iyo Allaah oo sadar ah.

Waqtigii uu Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabay waxa ay ahayd bishii Muxarram, sannadkii 7aad ee hijriga. Haddii aynu mid mid u soo qaadanno waraaqahaas iyo jawaabohoodii waxa ay ahaayeen sidan:

WARQADDII LOO DIREY BOQORKII XABASHIDA EE NAJAASHI

Najaashi waxaa magaciisa la oran jirey Axsama binu Abjar, wuxuuna xukumayey dowladdii xabashida, qisadiisana waynu soo marnay sidii uu muslimiinta u soo dhoweeyey iyo caddaaladdiisii, wuxuuna haystay diinta Masiixiga. Warqaddii uu Rasuulku SCW u qorey waxa ay ahayd sidatan:

Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Najaashi, Madawweynaha Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, anigu waxa aan kugu mahadinayaa Alle, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin oo ah boqorka Muqaddaska ah, ahna nabadgeliyaha mu’minka iyo ilhaamiyaha. Waxa aan qirayaa in Ciise ibnu ruuxdii Alle iyo kalimaddiisii uu ku riday Maryamatu-batuula, Maryamana ay ku qaadday Ciise ruuxdiisii iyo afuufiddiisii siduu Aadanba ugu abuuray gacantiisa. Aniga waxa aan kuugu yeerayaa Alle keligii oo aan shariik lahayn iyo xiriirinta daacadiisa iyo in aad i raacdid oo rumeysid wixii ii yimid, aniguna Rasuulkii Alle ayaan ahay. Waxa aan kuugu yeerayaa adiga iyo askartaadaba Alle Case-wajalle, waan ku gaarsiiyey (diintii), waana kuu naxteexeeyey. Yeel waanadayda, nabadgelyana qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Laakiin Beyhaqi wuxuu Ibnu Isxaaq ka weriyey in warqaddii Rasuulku SCW u qoray Najaashi ay ahayd sidan:

Tani waa warqaddii ka socotay Nabi Maxammed,


Ku socotay Najaashi Asxam, madaxweynihii Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ah ahaato.

Alle iyo Rasuulkiisa rumee, waxa aan qirayaa Alle maahane Alle kale in uusan jirin, keligiisna yahay, shariikna aanu lahayn, aannuna samaysan xaas iyo ilmo; Maxammedna waxaa weeye addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna Rasuulkiisii baan ahay. Islaam aad nabad geshide. Markaas ayuu aayaddan qur’aanka ahna u raaciyey:

((WAXAAD DHAHDAA KITAABKA EHELKIISIIYAW: U KAALAY KALIMAD AAN U SIMANNAHAY ANNAGA IYO IDINKU OO AH: IN AANNAAN ALLE MOOYEE CID KALE CAABUDIN, OO AANNAAN CIDNA UGU SHARIIK YEELIN, KANA YEELAN QAARKEEN QAARKA KALE RABBIYAAL ALLE KA SOKEEYA, HADDII AY JEESTAAN DHAHA KA MARKHAATI NOQDA ANNAGU IN AAN MUSLIMIIN NAHAY)), (Suuratu Aali-Cimraan 64).

Ka dib wuxuu Rasuulku yiri “haddii aad diido (islaamka) waxaa dushaada ahaday dembiga masiixiyiinta shacabkaaga.

Intaas ayey ku dhammaatay warqaddii uu Rasuulku SCW u qoray Najaashi, waxayna culimada islaamku isku khilaafsanyihiin Labada waraaqood midda uu Rasuulku SCW najaashi u diray, inkastoo ay culimada qaarkood qabaan in labada waraaqoodba uu u diray Najaashi waqtiyo kala duwan, waxayna isku khilaafsan yihiin midda ay ahayd tii uu qoray heshiiskii Xudeybiya ka dib.

Sidoo kale waxay culimadu isku khilaafsanyihiin Najaashiga uu Rasuulku SCW waraaqada u qoray midka uu ahaa: in uu yahay kii islaamay oo la oran jirey Asxab oo Rasuulku SCW ku tukaday janaasada markii geeridisa loo soo sheegay, iyo in uu yahay kii kadambeeyey, waxayna riwaayad saxiixul muslim weriyey sheegaysaa in kan Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii dambe oo uusan ahayn kii islaamay, inkastoo aysan sheegayn wixii ku yaalay waraaqdaas. Sidoo kale ibnu Qayim waxa uu Saadul-macaadka ku ayidayaa riwaayadda saxiixul Muslim, wuxuu yiri “waa kala Labo Najaashiga islaamay iyo kan uu Rasuulku waraaqda u diray (Xudaybiya ka dib)”, wuxuu ibnu Qayim qorayaa Labada waraaqood midda hore, wuxuuna sidoo kale ayidayaa in Najaashiha islaamay uu Rasuulku SCW waraaqda u diray hijradii Labaad oo uu Jacfar ugu sii dhiibay, waxaa iyana arrintaan ayidaya in badan oo culimada islaamka kamid ah, qaar kalena waa ay kasoo horjeedaan oo waxay ayidayaan in Najaashaha uu Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay kii islaamay, inkastoo qaar kale oo culimada kamid ihi ay is waafajinayaan Labada arrimood, waxayna dheheen: “Labada Nashaasheba Rasuulku SCW waraaqo ayuu u diray oo midna waa islaamay midna lama oga inuu islaamay iyo in kale”. Allaahu aclam.

Rasuulku SCW markii uu dhammeeyey warqaddii wuxuu u sii dhiibay Camar binu Umaya si uu u gaarsiiyo Najaashi. Najaashi markii ay u tagtay warqaddii Rasuulka SCW aad ayuu u ixtiraamay, wuuna ajiibay dacwadii islaamka, wuxuuna ku islaamay gacanta Jacfar binu Abii-dhaalib oo weli dhulkiisa jirey isaga iyo muslimiintii kaleba. Wuxuu Najaashi u soo diray Rasuulka SCW warqad jawaab ah oo ahayd sidatan:

Ku socota Maxammed Rasuulkii Alle


Ka socota Najaashi Asxam

Nabadgelyo xagga Alle ka timid dushaada ha ahaato Nabiga Allow iyo naxariistiisii iyo barakaatkiisii, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin.

Intaas ka dib, way i soo gaartay warqaddaadii Rasuulkii Allow iyo waxa aad ka sheegtay arrinta Ciise. Rabbiga samada iyo dhulka ayaan ku dhaartaye Ciise kama siyaadin waxa aad sheegtay, isagu waa sidii aad u sheegtay, waana aqoonsannay wixii aad noo soo dirtay, waana soo dhoweynay ina adeerkaa iyo asxaabtaadii. Waxa aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii Alle, runlow ah oo la rumeeyo, waana kula mubaayacooday, ina adeerkaana waan la mubaayacooday, gacantiisa ayaan ku islaamay, waxa aan u hoggaansamay Allaha caalamka Rabbigiisa ah.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Najaashi ka dalbay in uu soo diro Jacfar iyo dadkii kale ee muslimiinta ahaa oo waddankiisa joogey, Najaashina wuu yeelay oo wuxuu soo saaray labo doonyood, waxayna Nabiga SCW ugu yimaadeen Khaybar. Najaashi wuxuu dhintay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW markii loo sheegay ku tukaday jinaaso. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray boqorkii Najaashi Asxam ka dambeeyey hase yeeshee lama oga in uu islaamay iyo in kale.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII MASAR

Rasuulku SCW wuxuu warqad u diray boqorkii haystay Masar iyo Aleksandariya, waxa ayna warqaddaasi ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
Ku socota Maquuqas, Madaxii Qibdhiyiinta
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato.

Intaas ka dib, waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, islaam aad nabad gashide, islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga labo jeer, haddii aad jeesatana waxaa dushaada ah dembiga reer Qibdhi. Rasuulku SCW wuxuu u qoray aayaddan oo aannu soo tilmaanay macnaheeda: Waa aayada ku jirta (suuratu Aali-Cimraan 64).

Warqaddan wuxuu Rasuulku SCW u sii dhiibay Xaadhib ibnu abii Baltaca. Xaadhib markii uu warqaddii u geeyey wuxuu boqorkii Masar ku yiri “waxaa kaa horreeyey nin sheegtay in uu Rabbigii sare yahay (fircoon), Allaahna wuxuu ku qabtay tii horreysey iyo tii dambeyseyba, wuuna ka aar gutay, kuna cibro qaado qeyrkaa ee qeyrkaa yuusan kugu cibro qaadan. Boqorkii ayaa hadlay oo yiri “waxa aan haysannaa diin, ugana tegi mayno (diintayada) cid ka kheyr badan ma ahne wax kale”. Xaadhib ayaa markaa ku yiri “waxa aan kuugu yeeraynaa diinta islaamka oo Alle ku kaafiyey wixii ka soo haray, Nabigaanna uu dadka ugu yeerayo, kuwa ugu dhib badnaana waxa ay ahaayeen qureysh, kuwa ugu cadowsanaana waxa ay ahaayeen yahuud, kuwa ugu dhowaana waxa ay ahaayeen masiixiyiin, waxa ayna la mid tahay bishaaradii Muuse ku bishaareeyey Ciise, tii uu Ciise Maxammed ku bishaareeyey. Yeeritaanka aan qur’aanka kuugu yeerayno wuxuu la mid yahay yeeritaankii dadka Tawreet loogu yeeray Injiil, Nabi kastana dadkii soo gaara waa ummaddiisa, wuuna haleelaa haddii ay adeecaan. Adiguna waxa aad ka mid tahay dadka soo gaaray nabiga mana kaa reebayno diintii Masiix laakiin iyada ayaan ku amrayaa”. Boqorkii ayaa yiri “waan eegay Nabigaan arrinkiisa, waxa aan ogaaday in uusan xumaan amrin, wanaaggana reebin, sixir iyo baadilna kuma arag, curraafi beenlow ahna maaha, waxa aan ka arkay calaamaddii nabinnimada waana fiirin doonaa”. Ka dib wuxuu u yeertay qoraagiisii Carabbiga u qori jirey, wuxuuna Rasuulka SCW u soo qoray warqaddan:

BISMILLAAHI RAXMAAN RAXIIM


Ku socota Maxammed binu Cabdullaahi
Ka socota Maquuqas, madaxweynihii reer Qibdhi
Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ka dib, waan akhriyey warqaddaadii, waan fahmay wixii aad ku soo sheegtay iyo waxa aad u yeerayso. Waan ogaa in uu nabi dhimman yahay, waxaanse u malaynayey in uu Shaam ka soo bixi doono. Waan karaameeyey adeegahaagii, waxa aan kuu soo diray labo gabdhood oo darajo weyn ku leh reer Qibdhi dhexdooda, waxa aan kuu soo hadiyeeyey baqal aad fuusho [rakuub].

Nabadgelyo dushaada ha ahaato.

Intaas ayuu ku gaabsaday ninkaasi, mana islaamin. Labadii gabdhood waxa ay kala ahaayeen Maariyatul-Qibdhiya, oo Rasuulku SCW milkiyey, una dhashay Ibraahiim iyo gabadha kale oo ahayd Siiriin, oo uu Nabiga SCW siiyey gabyaagiisii Xasaan binu Thaabit, baqashana waxaa la oran jirey dul-dul oo waxay gaartay ilaa waqtigii mucaawiye.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII FAARIS

Sidii kuwii hore oo kale, wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray Kisraa, boqorkii Faaris. Warqaddaasi waxa ay ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Rasuulkii Alle, Maxammed
Ku socota Kisraa, Madaxweynihii Faaris
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca dushiisa ha ahaato.

Rumee Alle Rasuulkiisa, qirna Allaah mooyee in uusan Ilaah kale jirin, yahayna keligiis, shariikna uusan lahayn. Maxammedna uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Waxa uu kuugu yeerayaa dacwada islaamka, aniguna waxa aan ahay Rasuulkii Alle ee dadka oo dhan loo soo diray si uu ugu digo ciddii nool, gaaladana uu ugu dul oogo xujada. Islaam aad nabad gashide haddii aad diidde waxaa dushaada ahaaday dembiga Majuusiyiinta.

Rasuulku SCW wuxuu waraaqdan u dhiibay Cabdullaahi binu Xudeyfa. Cabdullaahi wuxuu waraaqdii u gudbiyey ninkii boqorkaas wakiilka uga ahaa Baxreyn, kaas oo isna u sii gudbiyey boqorkii Faaris ee Kisraa. Kisraa wuxuu markaa xukumi jirey Faaris oo waqtigaa ka mid ahayd labadii dowladood ee dunida ugu xoogga badnaa. (iyada iyo Ruum), carabtuna labadaa dowladood ayey taabac u kala ahaayeen.

Kisraa markii uu warqaddii Rasuulka SCW akhriyey ayuu xanaaqay warqaddiina jeexjeexay isaga oo ka san taagaya xaqa, wuxuuna Rasuulku SCW u arkay nin raciyaddiisa ka mid ah, wuxuuna yiri “addoon xaqiir ah oo raciyaddeyda ka mid ah ayaa magiciisa ku qoray magacayga hortiisa”. Halkaas waxa aan ka garanaynaa takaburka iyo isla weynida daalimkaas ku jirtey heerka ay gaarsiisnayd iyo sida uu addoonnimada Rabbi uga kibray.

Rasuulku SCW markii loo sheegay in warqaddiisii uu googooyey si xunna u dhaqmay wuxuu yiri “Alle ha googooyo boqortooyadiisa”. sidii ayeyna noqotay oo muddo yar ka dib Ilaahay wuu kala googooyey boqortooyadiisii.

Ninkaas sheydaanka ihi markii uu jeexay warqaddii Rasuulka SCW oo uu hadalladaas yiri ayuu haddana waraaq u diray ninkii wakiilka uga ahaa Yaman, warqaddaas oo uu ku leeyahay “ninka Xijaas jooga (nabiga SCW u dir labo nin oo xoog badan oo ha ii keenaan”, kaasina sidaa ayuu yeelay oo labo nin ayuu Rasuulka SCW u soo direy, warqadna wuu soo raaciyey uu Rasuulka SCW ku amrayo in uu nimankaas soo raaco.

Labadii nin markii ay yimaadeen Madiina oo Rasuulka SCW u tageen ayaa midkoood hadlay oo yiri “boqorkii boqorrada ee Kisraa ayaa warqad u soo diray boqorkii Yaman uu ku amrayo in uu diro cid kuu geysa, aniga ayaana la ii soo kaa diray si aad ii raacdid”. Rasuulku SCW markii uu hadalkoodii dhegaystay ayuu wuxuu amray in ay berri ku soo noqdaan.

Waqtigaasna waxaa boqorkii Kisraa ku kacay jabhad daakhili ah oo uu hoggaaminayo wiilkiisa, Sharwiish binu Kisraa. Dabadeedna habeen Talaado ah, 10kii Jamadul-Uulaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayaa Sharwiish aabbihii Kisraa diley oo xukunkii la wareegay. Rasuulka SCW arrinkaas waxyi ayaa lagu ogeysiiyey, markii ay labadii nin maalinkii dambe ku soo laabteenna wuxuu u sheegay in boqorkii ay ka socdeen ee Kisraa wiilkiisii dilay, xukunkiina kala wareegay. Markaas ayey labadii nin dheheen “maxaan ku dhahnaa (boqorkii na soo diray)?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “waxa aad ku dhahdaan “diinteyda iyo awooddeydu waxa ay gaari doontaa inta uu Kisraa gaaray. Haddii aad islaamto waxa aan ku siinayaa wixii gacantaada ka hooseeya (aad xukuntid), boqortooyada ciddaadana carruurtaada ayaa iska leh”.

Ka dib labadii nin way noqdeen, waxa ayna arrinkii u sheegeen boqorki Faariska ahaa ee Yaman wakiilka uga ahaa Kisraa oo la oran jirey Baddaan, arrinkiina aan weli ka war helin. Muddo ka dibna wuxuu ogaaday arrinkii, wuxuuna warqad ka helay Sharwiish binu Kisraa, taas oo ugu sheegayo in uu aabbihii diley, xukunkiina la wareegay. Waxaa kale oo uu yiri “ninkii aabbahay arrinkiisa warqadda kuugu soo qoray (nabiga SCW) waxba ha ku samaynin ilaa amarkaygu kaaga yimaado”. Ka dibna way islaameen Baddaan iyo ciddii Yaman la joogtay ee Faarisiyiinta ahayd markii ay xaqii arkeen.

WARQADDII LOO QORAY BOQORKII RUUM EE HIRAQLE

Rasuulku SCW boqorradii uu waraqaha u diray waxaa ka mid ahaa boqorkii Ruum xukumayey oo la oran jirey Hiraqle. Ruumna waxa ay waqtigaas ahayd dowladdii adduunka ugu xoogga badnayd. Warqaddii uu Rasuulku SCW u diray ninkaas waxa ay ahayd sidan:

BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM


Ka socota Maxammed, Adoonkii Alle iyo Rasuulkiisii
Ku socota Hiraqle, Madaxweynihii Ruum
Nabadgelyo ciddii hanuunka raacday dusheeda ha ahaato.

Islaam aad nabad gashidhe islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga laba jeer, haddiise aad diidid waxa dushaada ahaaday dembiga raciyadaada.

Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaan u sii dhiibay Dixya binu Khaliif si u ugu geeyo ninka Basra wakiilka uga ahaa Hiraqle oo isaguna uu gaarsiiyo boqorkiisii Hiraqle. Dixya wuu baxay sidii ayuu warqadii ugu gudbiyey.

Hiraqle warqaddii Rasuulka SCW ayaa u tagtay isaga oo markaa yimid meesha la yiraahdo Iiliyaa’ (Baytul Maqdis) kana yimid Ximsa, Waxaana meeshaa joogey safar Qureysh oo Abuu Sufyaan madax u ahaa oo tijaaro u yimid. Waqtigaasna waxa ay ahayd muddadii ay heshiiska lahaayeen Rasuulka SCW iyo qureysh.

Hiraqle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u timid ayuu u cid diray nimankii qureysh ee safarka watay, markaas ayaa loo keenay isaga oo ay dhinacyada ka fadhiyaan madaxdii Ruum. Wuxuu markaa Hiraqle u yeertay tarjumaankiisii, wuxuuna Abuu Sufyaan iyo raggiisii ku yiri “kiinnee ugu dhow nasab ahaan ninkaas Nabinnimada sheeganaya?”, Abuu Sufyaan ayaa yiri “aniga ayaa ugu dhaw”. Markaas ayuu Hiraqle yiri “ii soo dhoweeya isaga, ragga la socdana dhankiisa fariisiya”, wuxuu markaa Hiraqle tarjumaankiisii ku yiri (ku dheh nimanka) “ninkaas (Abuu Sufyaan) waxa aan wax ka wey diinayaa ninkaas (nabiga) haddii uu been ii sheego ku beeniya”. Sidaa darteed Abuu Sufyaan su’aalihii la weydiiyey oo dhan run ayuu uga jawaabay isaga oo ka baqayey in markii ay Makka ku laabtaan la yiraahdo ninkii odeyga ahaa been ayuu sheegay. Wuxuu yiri Abuu Sufyaan “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan ka xishooneyn in la iga guuriyo been waan ka been sheegi lahaa (nabiga)”, taas oo ku tusineysa sida dadkii hore, gaalaba ha ahaadeene ay uga xishoon jireen beenta, sharaftoodana u ilaashan jireen.

Ka dib wuxuu yiri Abuu Sufyaan “su’aashii u horreysey ee uu iga waydiiyey (nabiga) wuxuu yiri “sidee ku yahay nasabkiisu dhexdiina?”, waxa aan iri “dhexdayada waa nin nasab wanaagsan”. Wuxuu yiri “isaga (nabiga SCW) ka hor qof ma idinku yiri hadalkaan oo kale?”, waxa aan iri “maya”. Wuxuu yiri “aabbayaashiis mid ka mid ihi boqortooyo malahaa?”, waxaan iri “maya”. Wuxuu yiri “ma dadkii sharafta lahaa baa raacay mise dadka ducafadii (masaakiintii)?”, waxa aan iri “ducafadii”. Wuxuu yiri “ma bataan (dadka raacay) mise waa yaraadaan?”, waxa aan iri “way bataan”. Wuxuu yiri “ma ka laabtaan qof ka mid ihi diintiisa caro uu u carooday markuu galay ka dib?”, waxa aan iri “may”. Wuxuu yiri “intii uusan dhihin wuxuu (hadda) yiri ka hor ma ku tuhmi jirteen been?”, waxa aan iri “may”. Wuxuu yiri “ballanta ma jebiyaa?”. waxa an iri “may, waxaanna ku dhex jirnaa (muddadii heshiiska ) mana ogin wax uu samayn doono”. wuxuu yiri ‘ma la dagaasheen?”, waxa aan iri “haa”. Wuxuu yiri “sidee ahaa dagaalka aad la gasheen?”, waxa aan iri “dagaalkayagu waa wadaamaysi, marna isaga ayaa naga guuleystay marna annaga ayaa ka guuleysannay”. Wuxuu yiri “muxuu idin amrayaa?”, waxa aan iri “wuxuu leeyahay Alle keliya caabuda oo cidna ha ugu shariik yeelina, iskana taga waxa ay aabbayaashiin dhihi jireen. Wuxuu na amrayaa salaad, sadaqo, dhowrsanaan iyo xiriirin”.

Wuxuu markaa Hiraqle ku yiri tarjumaankiisii “ku dheh (Abuu Sufyaan”, waxa aan ku weydiiyey nasabkiisa (nabiga SCW), waxa aad sheegtay in uu yahay nin nasab wanaagsan, sidaas oo kale ayaa rususha looga soo bixin jirey qowmkooda nasabkiisa (kuwa ugu nasab fiican). Waxa aan ku weydiiyey in axad idinka mid ihi hortiis yiri hadalkaan, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan haddaba leeyahay haddii axad ka horreeyey yiri hadalkan waxaan is dhihi lahaa waa nin ku deyanaya hadal la yiri hortiis. Waxa aan ku weydiiyey in ay boqornimo u ahaatay aabbayaashiis wax ka mid ah, waxa aad dheegtay in aysan jirin, waxa aan leeyahay haddii aabbayaashiis wax ka mid ah boqornimo u ahaatay waxa aan oran lahaa waa nin doonaya boqornimadii aabayaashiis. Waxa aan ku wey diiyey in aad been ku tuhmi jirteen intii uusan dhihi wax uu yiri, waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa aan aqoonsaday in uusan ahayn mid ka taga beenta dadka oo Rabbi ku been abuurta. waxa aan ku weydiiyey in dadkii sharafta lahaa raaceen ama ducafadii, waxa aad ii sheegtay in ay ducafadii raaceen, iyaga (ducafada) ayeyna ahaayeen kuwii rususha raaci jirey. Waxa aan ku weydiiyey in ay siyaadaan ama ay nusqaamaan, waxa aad sheegtay in ay siyaadaan, sidaas oo kale weeyey arrinta iimaanku ilaa uu ka taam noqdo. Waxa aan ku weydiiyey qof ma ka noqday in aysan jirin, sidaas oo kale weeyey iimaanku markii uu macaankiisu quluubta dheeho. Waxa aan ku weydiiyey ballanta ma jebiyaa, waxa aad sheegtay in uusan jebin, sidaas oo kale rusushu ballanta ma jebiyaan. Waxa aan ku weydiiday waxa uu idin amro, waxa aad sheegtay in u idin amrayo in aad Ilaah keliya caabudaan oo aydinaan cid kale ugu shariik yeelin, idinkana reebayo cibaadada asnaamta, idina amrayo salaad, sadaqo iyo dhowrsanaan. Haddaba haddii ay waxa aad leedahay xaq yihiin waxa uu hanan doonaa meesha an labadaydan gommodood ku hayo, waana ogaa in uu soo baxayo mase malaynayn in uu idinka ka soo baxayo. Haddii aan ogahay in aan gaari karana waan aadi lahaa, haddii aan agtiisa joogi lahaana lugaha ayan u dhiqi lahaa.


Yüklə 0,77 Mb.

Dostları ilə paylaş:
1   ...   17   18   19   20   21   22   23   24   ...   28




Verilənlər bazası müəlliflik hüququ ilə müdafiə olunur ©muhaz.org 2024
rəhbərliyinə müraciət

gir | qeydiyyatdan keç
    Ana səhifə


yükləyin