Markii ay muslimiintu labadaas dhufeys furteen ayaa yahuuddii Nadha joogtey oo dhan isku urursatay dhufeyska Qalcatu-Subeyr oo ku yaalley qalcad dusheed, farduhuna aysan kori karin, raggana dhib ku ahaa. Markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la hareereeyo, markii saddex beri lagu hareereysnaa ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid nin yahuud ah oo yiri “Abal-qaasimow haddii aad bil ku hareereysanato waxba yeeli mayso maxaa yeelay waxa ay haystaan cabitaan iyo ilo dhulka hoostiisa ah, habeenkiina inta ay baxaan oo biyohooda soo cabbaan ayey qalcaddooda ku soo noqdaan oo difaac galaan. Haddii aad ka goysid biyaha waa kuu soo baxayaan”. Sidaa ayuu markaa yeelay Rasuulku SCW oo biyihii ayuu ka jaray, markaas ayey soo baxeen oo u dagaallameen ilaa uu markii dambe nasrigii Alle yimid oo muslimiintii goobtii furteen.
Yahuuddu waxa ay ka dib isku urursatay dhufeyskii 4aad ee la oran jirey Qalcaddii Ubay, muslimiintiina way ka daba tageen oo way hareereeyeen; waxaana goobtaas ka dhacay dagaal aad u daran. Labo nin oo halyeeyadii yahuudda ka mid ahaa ayaa mubaaraso u soo baxay hase ahaatee labadaba waxaa dilay raggii dhinaca muslimiiinta uga soo baxay, weliba kan dambe waxaa diley geesigii caanka ahaa ee Abuu Dujaana. Abuu Dujaana iyo ciidankii muslimiintu waxa ay u dheceen qalcadda gudeheeda ayey yahuuddii iskaga soo baxday qalcaddii oo u carartay dhufeyskii ugu dambeeyey qaybta hore oo la oran jirey Nasaar. Waxa ay yahuuddu ku urursatay haweenkii iyo carruurtii iyaga oo iska dhaadhicinaya in aysan muslimiintu furan karin dhufeyskaas istaraatiijiyaddiisa iyo difaaciisa oo adkaa darteed. Waxaana uu dhufeyskaas ku yaalley buur dusheed. Ciidankii Alle, oo wax kasta u beer dhigayey, ayaa hareereeyey yahuuddii, yahuuddana waxa ay u ahayd kama dambays maxaa yeelay dumarkoodii, carruurtoodii iyo maalkoodii ayaa ku jirey dhufeyskaa, waana dhufeyskii ugu dambeeyey dhinacaas magaalada.
Yahuuddu waxa ay soo ganayeen Naabaal iyo dhagaxaan. Markii ciidankii muslimiinta ku adkaatay furashadii dhufeyskan ayuu Rasuulku SCW amray in la tuuro Manjaniiq. Muddo markii la tuurayey Manjaniiq ayaa lagu burburiyey qaybo ka mid ahaa deriyadii qalcadda oo ay muslimiintii galeen gudihii qalcadda, waxaana halkaa ka dhacay dagaal daran ilaa markii dambe yahuuddii ay jabtay oo ka carartay maatadii iyo maalkii.
Dhufeysyadii kale ee isla dhinacaan magaalada kaga yaalley wax dagal ihi kama dhicin oo markii kuwii waaweynaa laga qabsaday, ayey iskaga baxeen oo isku urursadeen dhufeysyadii ku yaalley dhinaca kale ee magaalada. Ciidankii muslimiintu markii uu furtay Nadha iyo Shiqi ayuu uga daba tegey yahuudda dhinicii kale oo hareereeyey. Dagaal adag ayaa ka dib dhacay ilaa ay muslimiiintu ka furteen dhufeyskii Qamuus. Dhufeysyadii kale markii uu Rasuulku SCW ku hareereysnaa afar beri, yahuuddiina ay soo bixi weydey ayuu Rasuulku SCW damcay in uu Manjaniiq ku garaaco hase yeeshee yahuuddii ayaa weydiisatay heshiis oo ninkii la oran jiray Kinaana binu Abil-Xaqiiq oo kamid ahaa madaxdii yahuudii reer banii Nadiir ayaa Rasuulka SCW farriin u soo diray oo yiri “ma soo degaa aan kula hadlee?”, Rasuulkuna SCW wuu u oggolaaday. Markii uu soo degay ayaa waxaa lagu heshiiyey in dadka dagaallamayey ee dhufeyska ku jirey iyo maatada la iska daayo, Khaybarna ay ka guuraan, maalka Khaybarna ay muslimiintu leeyihiin. Rasuulku SCW wuxuu yiri “Alle iyo Rasuulkiisu beri bay idinka yihiin haddii aad wax qarisaan”. Markii heshiiskii lakala qortayna way is dhiibeen oo sidaas ayey ku dhamaatay furashadii Khaybar.
Wuxuu Rasuulku SCW u yimid ninkii la oran jirey Kinaan oo ahaa khasnad hayihii yahuudda reer Banii Nadiir. Ninkaas oo hayey maal aad u tiro badan, markii uu Rasuulku SCW weydiiyey maalkana wuu inkiray, nin yahuudda ka mid ah ayaa yiri “waxa aan arkay Kinaana oo tegeya meeshaas maalin kasta”, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Kinaana “ka warran haddii aan kaa helno maal sow kuma dilno”. markaas ayuu yiri “haa”, ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la faago meeshii, markii la faagayna waxaa laga soo bixiyey keydkoodii qaarkiis, markaas ayaa la weydiiyey qaarkii kale hase yeeshee ma sheegin. Rasuulku SCW wuxuu amray Subyer in uu kexeeyo Kinaana oo soo buga bugeeyo, markii uu Subyer garaacay oo xanuujiyey ayuu Kinaana sheegay maalkii oo dhan. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray Maxammed binu Maslama in uu dilo ninkaas maxaa yeelay labo ballan ayuu ku galay in la dilo: tan hore oo heshiiska ku jirtey in haddii ay wax qariyaan Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay beri ka yihiin iyo tan dambe oo Rasuulku SCW ku yiri “haddii aan wax kaa helno sow kuma dilno” isaguna wuu yeelay. Saas ayaana abaalkeedu yahay ciddii islaamka diida oo dhagar iyo xumaan ka bixi wayda markii ay u gacan gasho ciidammada Alle.
Rasuulku SCW wuxuu ka dib damcay in sidi heshiisku ahaa uu yahuud Khaybar ka raro sidii uu awalba Madiina uga soo raray hase yeeshee waxa ay yiraahdeen “Maxammedow iska kaaya daa aan beeraha idiinka shaqayno, annaga ayaa idiinka aqoon badane”, markaas ayuu Rasuulku SCW ka yeelay in ay iska degganaadaan Khaybar oo islaamka ku hoos noolaadaan, beerahana ay ka shaqeeyaan, wixii ka soo go’ana ay kala bar qaataan. Markii ay beeruhu soo go’aan ayuu Rasuulku SCW u diri jjirey yahuudda nin khibrad leh oo soo qiimeeya miraha beerta saaran, ka dibna intii lagu qiimeeyo oo soo go’da ayaa la kala baran jirey. Sidaa ayey yahuuddu Khaybar u degganayd ilaa waqtigii Cumar binu Khadhaab uu khilaafada islaamka hayey, ka dibna Cmar ayaa ka raray.
Wuxuu Rasuulku SCW beerihii Khaybar u qaybiyey 36 qaybood oo qay kasta ahayd 100 sahmi (saami), isku darkeeduna ahaa 3600 oo sahmi. Ka dib markii labo loo qaybiyo (1800 sahmi) wuxuu dhigay danta guud ee muslimiinta, 100na ciidanki ayuu qeybiyey oo 1400 oo nin wuxuu siiyey min hal sahmi, labadii boqol ee farasna wuxuu siiyey min labo sahmi sidaas darteed ninkii faras watay wuxuu helay saddex sahmi, ninkii aan wadanna hal sahmi. Arrintaas wuxuu Rasulku SCW ku dhiirrigelinayey si ay ugu dadaalaan fardaha maaaddama ay farduhu waqtigaas joogeen halka ay miigtu maanta joogto.
Muslimiiintii waxa ay ka heleen Khaybar qaniimo aad u tiro badan oo Ilaahay ku hodmiyey, asxaabtiina waxa ay bexeen faqrigii aadka u darnaa, Caa’isha iyada oo Khaybar ka hadlaysa waxay tiri “haddaan timir ka dhargaynaa”. Sidoo kale Cabduullaahi binu Cumar wuxuu yiri “ma aannaan dhargin ilaa aan Khaybar kafuranay”. Waana qaniimadii uu Ilaahay u ballan qaaday. Qaniimada oo ah xoolo laga furto acdaa’da Alle markii ay diinta Alle ka horyimaadaan, waxa ay ka mid tahay risqiga ugu wanaagsan ee qofka muslimka ahi uu cuno. Allaahna wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
((CUNA WAXAAD QANIIMAYSATEEN ISAGOO XALLAL WANAAGSAN AH, KANA BAQA ALLE, WUXUU ALLE AHAADAY DAMBI DHAAFE NAXARIISTA)), (Suuuratul-Anfaal 69).
Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri “waxaa la ila soo bixiyey saacadda horteeda seef ilaa Ilaahay kaliya la caabudo, risqigaygana waxaa la yeelay hooska warankayga hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la yeelay ciddii amarkayga (islaamka) khilaafta, qofkii cid isku ekeysiiyana waa ka mid”.
Rasuulka SCW intii uusan Khaybar ka tegin waxaa ugu yimid Jacfar binu Abii-dhaalib iyo dadkii muslimiinta ahaa ee dhulka xabashida jirey oo uu Najaashi soo direy markii uu helay warqaddii Rasuulka SCW. Dadkaan waxaa la socdey Abuu Muusa Al-Ashcari iyo dadkii ashcariyiinta ahaa ee Yaman ka soo islaamay oo gaarayey dhowr iyo konton nin qaniimadi ayaana wax laga siiyey. Waxaa kale oo intii uu Rasuulku SCW Khaybar joogey yimid oo soo islaamay oo Abuu Hureyra iyo dhowr nin oo reerihiisa ahaa, waxayna markii hore tageen Madiina oo Subaac binu Curfada oo ahaan ninkii uu Madiina Rasuulku SCW madaxda uga soo dhigay ayaa soo ambabixiyey oo sahay soo siiyey.
Markii uu Rasuulku SCW Khaybar ka fara xashay ayaa naag la oran jirey Seynaba binu Xaarith oo yahuudiyad ahayd uuna qabay nin la oran jirey Sulaam binu Mashkam waxa ay Rasuulku SCW u soo hadiyeysay hilib ri’ ay soo soshay waxa ayna tiri “cadkee Rasuulku ugu jecel yahay?”, markaas ayaa la yiri “dhudhunka”, markaas ayey hilbihii oo dhan sumaysay, dhudhunkiina si gaar ah u sumaysay, ka dibna Rasuulka SCW u keentay. Rasuulku SCW markii uu hal mar goostay ayuu tufay oo yiri “waxaa la ii sheegay laftaani in ay sumaysan tahay”, naagti ayaa loo yeeray, markaas ayey qiratay. Rasuulku SCW wuxuu yiri “maxaa kugu xambaaray arrintaan?”, waxay tiri “waxaad aragtay ayaad dadkaygii ku samaysay marka waxa aan is iri haddii uu boqor yahayna waanu ka istareexin, haddii uu Nabi yahayna waa loo sheegi”, markaas ayuu Rasuulku SCW iska dhaafay hase yeeshee nin asxaabtii ka mid aha oo la oran jirey Bashiir binu Buraa oo hilikii wax ka goostay ayaa u dhintay, markaas ayaa naagti loo qisaasay oo la dilay. Sidaas ayuu ku dhamaaday duullaankii Khaybar guushina Ilaahay ku siiyey Rasuulka SCW iyo muslimiinta, acdaa’dii Ilaahayna ay jab ula kulmeen.
Muslimiinta waxaa duullaankaas uga shahiiday 16 nin: 4 Qureysh ah, nin reer Ashjac ah, nin reer Aslam ah, nin reer Khaybar ah iyo 9 Ansaar ah. Dhinaca gaalada waxaa laga dilay 93 nin.
Rasuulku SCW markuu khaybar tagay ayuu yahuuddii reer Fadak u diray Muxaysa binu Mascuud si uu islaamka ugu yeero hase yeeshee way diideen, markiise Khaybar la furtay ayuu Ilaahay quluubtoodii aragagax geliyey markaas ayey heshiis ula soo degdegeen Rasuulka SCW ay kuleeyihiin “sidii aad reer Khaybar ula heshiisay oo kale annagana noola heshii, Rasuulkuna SCW wuu ka yeelay.
Rasuulku SCW markiii uu Khaybar ka tegey wuxuu aaday meel la oran jirey Waadil-Quraa oo ay degganaayeen yahuud iyo carab. Markii uu gaaray oo uu dul degey aye yyahuuddii soo tuureen gammuuno, waxayna ku dhaceen wiil la oran jirey Mudhcam oo Rasuulka SCW mawle u ahaa. Wiilkii wuu dhintay, markaas ayey dadkii dheheen “janno ayaa u ahaatay” hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “ma aha sidaas, Ilaahii nafsaddaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye shalmaddii (xoolihii) uu ka qaatay qaniimadii Khaybar intii aan la qaybin ayuu naar ku gelayaa”. Dadkii markii ay hadalkaas maqleen ayaa qofkii wax hayey keenay.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtiisii u diyaariyey duullaankii reer Waadil-Quraa, wuuna safay, wuxuuna calankii u dhiibay Sacad binu Cubaada, raayana wuxuu u dhiibay Xubaab binu Mundir, raaya kalena Sahal binu Xuneyf, mid kalena Cubaada binu Bishir. Sidii hore oo kale ayuu Nabiga SCW islaamka ugu yeeray dadkaas, wayse diideen oo dagaal ayey ka doorteen.
Waxaa mubaaraso ay u soo saareen nin ka mid aha, waxaase u soo baxay oo diley Subeyr binu Cawaam. Mar labaad ayaa islaamka loogu yeeray haddana way diideen. Nin kale ayaa mubaaraso ugu soo baxay hase yeeshee isagana waxaa dilay Subyer binu Cawaam. Mar saddexaad ayaa islaamka loogu yeeray, iyaguna way diideen oo waxay mubaaro u soo saareen nin kale, waxaa markan u baxay oo dilay Cali binu Abii-dhaalib. Ka dib sidaa ayaa islaamka loogu yeerayey, iyaguna u diidayeen oo hadba nin mubaaraso ugu soo saarayeen ilaa laga diley 11 nin. Salaad ayaa soo gashay markaasuu Rasuulku SCW asxaabtii soo tujiyey, ka dibna goobtii ayey ku soo laabteen oo sidii oo kale islaamka ugu yeeray markii ay diideenna ula dagaallameen ilaa ay ka galabaysteen.
Subaxdii dambe ayaa Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ku soo kallaheen, waana la qabtay, maalkoodii Ilaahay qaniimo ayuu muslimiinta uga dhigay. Ka dib Rasuulku SCW afar beri ayuu meeshaas joogay, muslimintana qaniimadii ayuu u qaybiyey, dhulkii iyo beerihina yahuud ayuu uga tegey oo uu kula heshiiyey sidii reer Khaybar oo kale.
Yahuuddii deggenayd meeshii la oran jirey Taymaa, markii ay maqashay in Rasuulku SCW qabsaday Khaybar iyo Waadil-Quraa, ayey is dhiibeen, waxayna Rasuulka SCW u soo bandhigeen in uu sidii hore oo kale uu heshiiyo. Rasuulku SCW wuu ka yeelay wuxuna u qoray warqaddan:
Tani waa waraaqadii Maxammed, Rasuulkii Alle uu u qoray reer banii Cadiye. Waxa ay leeyihiin dimo (ballan) dushoodana jisyo (canshuurta gaalada laga qaado) ayaa ahaatay, lama colaadiyo lamana bixiyo. Habeenku waa dheer yahay maalintuna waa adag tahay.
Ka dib Rasuulku SCW Madiina ayuu u so ambabaxay, dhex markuu marayana waxa uu guursaday oo uu dhsitay Safiya bintu Xuyey oo kamid ahayd dadkii Khaybar laga soo furtay uuna dhalay ninkii ahaa Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuudii reer banii Nadiir ee Madiina laga soo raray kana mid ahaa raggii Khaybar ka tegey ee soo abaabulay duullaanki Axsaab ka dibna reer banii qureyda dhufayska la galay oo halkaa lagu dilay.
Safiay waxa ay ahayd gabar yar waxaana guursaday marki ay Khaybar yimaadeen ka dib ninkii aan soo marnay ee ahaa Kinaana binu Rabbiic binu Abil Xuqayq markaas iyada oo aroos ku jirta waxa ay ku riyootay Dayaxa oo dhabteeda ku soo dhacay, waxay u sheegtay ninkeedii markaasuu intuu dharbaaxo daran ku dhuftay ku yiri “ma waxaad rajaynaysaa in Boqorka Yathrib ninkaaga noqdo”, hase yeeshee muddo yar ka dib Rasuulka SCW ayaa Khaybar furtay waxayna Safiya kamid noqotay dadkii laga qabsaday yahuud.
Rasuulku SCW san soo sheegnayba markuu dhex marayo ayuu xoreeyey oo guursaday ka dib markii ay islaamtay, habeenkii uu Rasuulku SCW la aqal galay ayaa nin asxaabta kamid aha oo la oran jirey Abuu Ayuub Khaalid binu Sayd intuu seeftiisii qaatay ayuu Rasuulka SCW waardiye ka qabtay isagoo ka baqaya in ay Rasuulka SCW wax gaarsiiso, markii waagii baryey ayuu Rasuulku SCW arkay markaasuu ku yiri “maxaa kugu dhacay abii Ayuub”, wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waxaan kaaga baqay haweentan, maxaa yeelay waxaa la dilay aabeheed ninkeedii iyo tolkeed waana qof hadda gaalnimo kasoo gashay sidaa darteed waan kaaaga baqay”. Rasuulku SCW waxa uu sameeyey waliimo oo waxaa la isku dardaray wixii ay asxaabtu hayeen sida hilib, muufo, timir iwm, wuxuuna Rasuulku SCW meeshii deganaa 3dex maalmood oo uu safiya u yeelay.
Ka dib Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxa ay aadeen dhinicii Madiina, habeenkii oo dhan sidii loo socday markii meel dhexe la marayo ayaa goor dambe meel la seexday. Rasuulku SCW wuxuu Bilaal faray in uu soo jeedo oo salaadda subax u kiciyo maxaa yeelay ciidanku muddo ayey dagaal iyo safar ku jireen. Bilaal markii uu wax yar soo jeeday ayuu rartiisii isku tiiriyey, markaas ayey indhihiisii ka qaalib noqdeen (oo wuu gam’ay). Hurdadii ayaa dhammaantood la tagtay ilaa ay qorraxdii ka soo baxday, waxaa uguhor kacay Rasuulka SCW. Ka dib Rasuulku SCW iyo asxaabtu togii ayay xoogaa ka socdeen oo salaaddi fajar ku tukadeen.
Intaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW ku soo laabtay Madiina, waxaa kale oo iyaguna Madiina ku soo laabtay ciidan uu madax u ahaa Abaan binu Sacid oo uu Rasuulku SCW markii uu Khaybar aadayey u diray dhinaca Najdi si uu u cabsi geliyo rer baadiyihi oo aysan Madiina u soo hawaysan inta uu Rasuulku SCW Khaybar ku maqan yahay.
DUULLAANKII DAATU-RIQAAC
Markii Rasuulku SCW ka soo jeestay laba garab (Qureysh iyo Yahuud) oo ka mid ahaa saddexdii gaashaanbuur oo Axsaab ku wada jirey ayuu u soo jeestay garabkii 3aad oo ahaa qabiilladii reer Qadafaan. Duullaankii lagu qaaday reer Qadafaan wuxuu ahaa mid ka duwan kuwii hore maxaa yeelay kuwani ma aysan lahayn magaalooyin iyo dhufeysyo ee waxa ay ahaayeen qabiilo kala firirsan oo reer baadiye ah.
Duullaankan, oo sida loo badan yahay, ahaa bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad ee hijriga. Rasuulku SCW markii uu maqlay in ay in urursanayaan qabiillo ka mid ah reer Qadafaan ayuu kaxaystay ciidan 400 ama 700 oo nin ka kooban. Madiinana wuxuu mas’uul uga sii dhigay Abuu Darr Al-qafaari ama Cusmaan binu Cafaan. Labo maalmood markii ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ka sii socdeen, oo ay marayaan meel la yiraahdo Nakhab, ayey la kulmeen ciidan reer Qadafaan ah hase ahaatee wax dagaal ihi ma dhicin.
Waxyaabaha dhacay intii jidka lagu jirey waxaa ka mid ahaa in maalin kulayle ah ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii meel degeen, markaas ayey asxaabtii geed hoos fiican Rasuulku SCW uga tageen iyagiina dhirtii kale isu kala qaybiyeen. Rasuulka SCW geedkii ayuu markaas hoos seexday, seeftiisiina meel kore ayuu surtay. Goor uu Rasuulku SCW hurdo ayaa waxaa u yimid nin reer baadiye ah oo gaal ah, markaas ayuu inta seeftii qaatay ag istaagay Nabiga SCW. Rasuulka SCW ayaa indhaha kala qaaday oo arkay ninkan seeftiisii la soo baxay oo dul taagan, intii uusan hadlin ayaa gaalkii hadlay oo yiri “ma iga baqaysaa?”, Rasuulku SCW “maya” ayuu ugu jawaabay, ninkii ayaa yiri “yaa iga kaa celinaya?”, “Allaah” ayuu Rasuulku SCW yiri. Intaa markii la is yiri ayey seeftii ninkii ka dhacday, Rasuulku SCW ayaa seeftii qaatay oo ku yiri “yaa iga kaa celinayaa?”, wuxuu ninkii yiri “noqo mid wax qaada kan ugu kheyr badan”, Rasuulku SCW wuxuu ku yiri “ma qiraysaa in Allaah ma ahane uusan Ilaah kale jirin, aniguna aan ahay Rasuulkii Alle?”, markaas ninkii yiri “waxa aan kaa ballan qaadayaa in aanan kula dagallamin, cid kula dagaallamaysana aanan raacin”.
Rasuulku SCW markaas ayuu asxaabtii u yeeray oo u sheegay qisadii iyada oo uu ninkii ag fadhiyo, ka dibna wuu iska cafiyey, ninkiina markii uu ciddiisii u tegey ayuu ku yiri “waxa aan idinkaga imid dad kii ugu kheyr badnaa agtisa (nabiga SCW).
Qisadan iyo kuwa la midka ah waxa aan ka arkaynaa sida uu Rasuulku SCW u ahaa mid cafis iyo naxariis badan, in badanna waxa aynu ku arkaynaa siirada in haddii Rasuulka SCW shakhsiyaddiisa lagu soo xad gudbo in uusan ka ficil qaadan jirin ee uu iska cafin jirey iyada oo la og yahay shakhsiyadda Rasuulka SCW oo lagu xad gudbo in ay la mid tahay islaamka oo lagu xad gudbay, haddana haddiii aysan ahayn dhib weyn wuu iska dhaafi jirey, hase yeeshee markii islaamka wax yar lagu xad gudbo wuu ka xanaaqi jirey oo ka ficiloon jirey sidaa ayaana laga doonayaa qofka muslimka ah ee waddadii Rasuulka SCW ku taagan in uu in badan wixii shakhsiyaddiisa la yeelo iska dhaafo, haddii aysan soo noqnoqon, laakiin haddii diinta Alle lagu xad gudbo in uu ka qiiroodo oo uu siduu wax uga qaban karo uga qabto. Sidoo kale waxa aan arkaynaa geesinimadii Rasuulka SCW iyo sida uusan bani aadamka uga baqayn, Rabbigiisna ugu kalsoonaa, Alle ayaana ka ilaashay sharta bani aadamka, wuxuuna Ibnu Hishaam sheegay in arrintan sababteeda ay aayadan ku soo dagtay.
((DADKA ALLE RUMEEYAYOW XUSUUSTA NIMCADII ALLE IDIIN GALAY MARKII AY DAD DAMCEEN INAY IDIIN FIDIYAAN GACMAHOODA (SI AY IDIIN WAX YEELAAN) OO UU IDINKA QABTAY GACMAHOODA, ALLE KA BAQA, HANA TALA SAARTAAN ALLE MU’MINIINTU)), (Suuuratul-Maa’ida 11).
Arrinimii kale ee dhacay duullaankan dhexdiisa waxaa ka mid ahaa in Rasuulku SCW uu habeen waardiye ka dhigay labada saxaabi ee la kala oran jirey Cammaar binu Yaasir iyo Cubaaba binu Bishiir, markaas ayaa iyaga oo is bedbeddalaya u Cammaar seexday, Cubaadana salaad galay. Waxaa u yimid nin gaaladii reer baadiyaha ahayd ka mid ah oo ehelkiisii wax la soo yeelay, ka dibna ku soo nadray in uu asxaabta Nabiga SCW dhiig ka soo daadiyo. Markii uu yimid ciidankii muslimiinta meeshii uu degganaa ayuu arkay ninka taagan (Cubaadda) oo gartay in ay yihiin asxaabtii Rasuulka SCW, fallaar ayuu ku soo ganay oo ku dhuftay hase ahaatee Cubaada isma dhaqaajin, mid labaad ayuu ku dhuftay, Cubaadana ma dhaqaaqin, mid saddexaad ayuu ku dhuftay oo cararay. Cubaada salaaddiisii kama bixin ilaa uu ka dhammaystay, markaas ayuu saaxiibkiis Cammaar kiciyey. Cammaar markii uu arkay Cubaada oo saddex fallaarood ku yaalliin, dhiigguna ka daadanayo ayuu ku yiri “Subxaanallaah, war maxaad ii kicin weydey?”, markaas ayuu Cubaada yiri “suurad macaan ayaan akhrinayey oo wax aan nacayey in aan iska kala gooyo”.
Ugu dambaynti duullaankan Daatu-Riqaac oo lagu qaaday qabiilladii reer Qadafaan wax weyn ayuu ka beddelay jawigi reer Qadafaan oo wixii duullaankan ka dambeeyey cagaha ayey dhulka dhigeen, waxa ayna bilaabeen islaamid iyo heshiis. Arrintaas waxaa caddaynaya in sannadkii duullaankaas ka dambeeyey 8aad ee qabiillo badan oo reer Qadafaan ihi ku jireen ciidankii muslimiinta iyaga oo soo islaamay.
ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC KADAMBEEYEY
Rasuulku SCW markii uu ka soo laabtay duullaanki Daatu-Riqaac ma uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Shawaal ee isla sannadkii 7aad ee hijriga hase yeeshee wuxuu muddadaas iska daba diray dhowrkan sariyo (ilaalo).
1. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu u diray reer banii Mullaax bishii Safar ama Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad hijriga. Sababta loo direy ciidankanna waxa ay ahayd in ay reerkaasi dileen rag muslimiinta ka tirsanaa. Qaalib iyo kooxdiisii way bexeen, markii ay tageen degaankii qabiilkaas ayey ragna ka soo dileen, xoolana ka soo kaxaysteen, kana soo laabteen. Qabiilkii ayaa isu habar wacday oo ciidan aad u tiro badan ka soo daba direy Qaalib iyo kooxdiisii hase yeeshee markii ay u soo dhowaadeen ayaa Ilaahay keenay roob xoog badan oo dadkiisii kala xiray labadii ciidan, sidaas ayaana lagu kala tegay.
2. Ilaaladii uu hoggaaminayey Cumar binu Khadhaab oo uu Rasuulku SCW bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Turba oo ay degganaayeen reer banii Hawaasin. Ciidankan oo ka koobnaa 30 nin habeenkii ayey socon jireen, maalintiina way is qarin jireen si aan looga war helin oo ay u kediyaan acdaa’da Ilaahay, hase ahaatee reer Hawaasin way ka war heleen ciidanka, wayna kala carareen. Cumar iyo kooxdiisii way raadiyeen hase ahaatee waxba ma soo helin, ka dibna Madiina ayey ku soo laabteen.
3. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Bashiir binu Sacad Al-ansaari oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hiriga u direy reer banii Mura. Ciidankan oo ahaa 30 nin meeshii loo direy ayey tageen oo soo gabagabeeyeen, ka dibna soo noqdeen, hase yeeshee waa laga daba yimid oo dagaal daran ayaa dhex maray iyaga iyo qabiilkaas. Asxaabtii oo dhan goobtaas ayey ku wada shahiideen Bashir binu Sacad ma ahane, isaguna dhaawac ahaan ayuu nin yahuudi ah gurigiis ku tegey, markii uu raystayna Madiina ayuu ku soo laabtay.
4. Ilaaladii uu hoggaaminayey Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu Rasuulku SCW bishii Ramadaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy reer banii Cabdi binu Thaclaba iyo reer banii Cawaal. Ciidankan oo 130 nin gaarayey waxa ay soo guteen hawshii loo direy dabadeedna way soo naqdeen.
5. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Rawaaxa oo uu Rasuulka SCW bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Khaybar (akteeda). Rasuulku SCW markii uu maqlay in nin la yiraahdo Bashiir binu Saraam uu ururinayo ciidan reer Qadafaan ah si ay muslimiinta ugu soo duullaan ayuu ciidankan oo 30 nin ka koobnaa u direy. Cabdullaahi iyo ciidankiisii waxa ay tageen meeshii, waxayna gacanta ku soo dhigeen 30 nin oo uu ku jiro ninkii madaxda u ahaa, ka dibna markii ay dhex marayaan ayey nimankii khiyaama sameeyeen oo isku dayeen dil markaasaa la laayey.
6. Ilaaladii uu hoggaaminayey Bashiir binu Sacad oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Qadafaan. Ciidankan oo 300 nin ahaa sababta loo diray waxa ay ahayd in qoladaas qaar ka tirsan ay abaabul sameeyeen si ay Madiina u miraan. Bashiir iyo Ciidankiisii habeen socod ayey ahaayeen, maalintiina way is qarin jireen si aan loo ogaan hase ahaatee qabiilkii wuu ka war helay wuuna baqday. Ciidankaas waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo qaniimo badan iyo labo nin oo qafaal ah wata. Labada nin markii Rasuulka SCW loo keenay way islaameen.
7. Ilaaladii Qaalib binu Cabdullaahi laythi oo uu Rasuulku SCW diray bishii Ramadaan sannadkii 8aad ee hijriga uuna u diray reer banii Cawaal iyo reer banii Cabdi Thaclaba, waxaana ciidankaani dhamman 130 nin. Qaalib iyo ciidankiisii meeshii ayey tageen, waxayna weerareen cadawgii oo wixii la dagaalamay ayey dileen ka dibna xoolo ayey kasoo kaxaysteen waxayna ku soo laabteen Madiina. Ilaaladaan weeye midda uu Usaama binu Sayd dilay nin ka mid ah dadkii la dagaalamayey oo ashahaatay, Rasuulkuna SCW markii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri “mawaxaad dishay markuu Laa Ilaaha illa Laah yiri ka dib”, wuxuu yiri Usaama “Rasuulkii Allow wuu iiga gabanayey” wuxuu yiri Rasuulku SCW “maqalbigiiisaad jeexday oo aad ka ogaatay in uu Run sheegayey iyo in uu Been sheegayey”. Allaah SW isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
((KUWA MU’MINIINTA AHOW MARKAAD U BAXDAAN JIDKA ALLE WAX CADDAYSTA (HUBSADA) OO HA DHIHININA QOF SALAAM IDIIN SOO GUDBIEY MU’MIN MATIHID IDINKOO DOONAYA BIRBIRKA ADDUUNKA, ALLE AKTIISA AYEY AHAATAY QANIIMO BADANE, SAASOO KALE AYAAD AHAYDEEN (IDINKUBA) AWAL, ALLAANA IDIN GALADAYSTAY (OO IDIN SOO HANUUNIYEY) EE WAX CADAYSTAY (OO HUBSADA ARRINKA), ALLENA WAXA AAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WAA GUN OGYAHAY)), (Suuratu-Nisaa’ 94).
Dostları ilə paylaş: |